Tababaraha kooxda kubadda cagta FC Copenhagen ee Jacob Neestrup ayaa ku sii digtay Manchester United oo xalay ay 4-3 ku garaaceen, waxaana uu ku dooday in ay kooxdiisu soo bandhigtay ciyaartii ugu diciifsanayd, haddana ay awoodeen inay karbaashaan United.
Red Devils ayaa laba gool la hormartay oo ciyaarta ku hoggaaminaysay 2-0 ka hor intii aan laga saarin Marcus Rashford oo casaan ku baxay, taas oo keentay in FC Copenhagen ay qaybta horeba keento labada gool ee lagala hormaray.
Manchester United ayaa rikoodhe ay heshay qaybta labaad waxay ciyaarta kaga dhigtay 2-3, balse naadiga garoonkiisa joogay ee FC Copenhagen ayaa tobankii daqiiqadood ee ugu dambeeyey laba gool oo lix daqiiqadood u dhexeeyeen dhaliyey, waxaanay ku badiyeen 4-3.
Tababare Neestrup oo ciyaarta kaddib saxaafadda la hadlay ayaa waxa uu sheegay, in kooxdiisa FC Copenhagen aanay soo bandhigin ciyaar fiican oo ay muujiyeen bandhiggoodii ugu liitay xilli-ciyaareedka, waxaanu yidhi: “Aniga tababare Copenhagen ahaan, waxay ii ahayd ciyaartii ugu liidatay ee aanu soo bandhigno wareegga group-yada.
“Haddii aad sawir ka qaadato ciyaartan, uma aanaan qalmayn saddexda dhibcood ama xataa hal dhibic, laakiin haddii aad si guud u eegto afartii ciyaarood ee wareegga group-yada, FC Copenhagen waxay u qalmaysaa in ay kaalinta labaad fadhido.”
Hadalka tababare Jacob Neestrup ayaa loo fahmay in uu ku diganayo Manchester United oo uu leeyahay ‘ciyaartyadii ugu liidatay ayaanu idinku garaacnay e, maxaa dhici lahaa haddii aanu si fiican u dheeli lahay .’
Be the first to comment