Waa Kuma Xiddiga Man City Ee Uu Pep Guardiola Barbardhigay Lionel Messi?


Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa sheegay in goolkii labaad ee Bernardo Silva uu ka dhaliyey Bournemouth Sabtidii uu soo xasuusiyey xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi, kaas oo uu sheegay in laacibkani uu raadkiisa hayo.

Silva ayaa waxa uu Sabtidii dhaliyey laba gool ciyaartii ay 6-1 ku xasuuqeen Bournemouth, waxaana cajiib ahaa goolka labaad oo uu dhaqaaq-joogsi ku dilay Lloyd Kelly ka hor intii aanu kubadda shabaqa u weydaarinin Andrei Radu oo ay hiil la’aani ku dhacday.

Pep Guardiola oo la hadlayay saxaafadda ayaa yidhi: “Maxaan ka odhan karaa Bernardo Silva? Waxa uu ka ciyaari karaa booska kubbad-burburiyaha, dhinaca midig iyo dhinac bidix intaba. Aniga ayaa ku riixa inuu goolal dhaliyo, waana tallaabada labaad ee xirfaddiisa. Waxa aad tahay ciyaartoy cajiib ah oo aad u wanaagsan.

“Goolkii labaad waxa uu isoo xasuusiyey Messi, sida uu u dhaliyey. Waa ciyaartoy heersare ah.”

Pep Guardiola waxa kale oo uu ammaan ugu qubeeyey Jeremy Doku oo dhaliyey hal gool, afar kalena caawiyey, waxaana uu yidhi: “Dhamaantayo wuu naga yaabiyey, waa ciyaartoy aad u wanaagsan. Waxa uu akhriyaa fal kasta oo uu samaynayo, tayadiisu waa cajiib marka uu u dhow yahay xerada ganaaxa. Mar walba taas ayaanu ka hadalnaa, goysmadiisana way adag tahay in la helo ciyaartoy tayadiisa oo kale leh waqtigan, waxaana uu leeyahay xawaare, waa ciyaartoyga ugu dheereeya shanta mitir.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*