Harry Kane Oo Wali Hoy La’aan Ku Ah Waddanka Germany Iyo Lacagta Waallida Ah Ee Ku Bixiyo Hotel-ka Uu Deggan Yahay


Xiddiga kooxda kubadda cagta Bayern Muniche ee Harry Kane ayaan illaa hadda helin hoy ama guri uu ka dego magaalada Munich, tan iyo markii ay kooxda Bayern Munich kula soo wareegtay £100 milyan oo Gini oo ay kaga soo iibsatay Tottenham.

Weeraryahanka reer England oo dhaliyey 15 gool oo Bundesliga ah oo ay ugu dambeeyeen saddexlay uu ku khaarajiyey Borussia Dortmund maalintii Sabtidii, ayaa waxa isaga iyo qoyskiisuba ay ku dhibaatoonayaan sidii ay u heli lahaayeen guri ay degaan.

Arrintan ayaa ka dhigan, in Harry Kane uu hotelka uu deggan yahay ku bixiyey lacag ka badan £1 milyan oo Gini muddadii koobnayd ee uu joogay Bayern Munich, taas oo sare u dhaafaysa in ka badan laba usbuuc oo mushaharkiisa Munich ah.

Harry Kane ayaa waxa uu mushahar uga qaataa Bayern Munich £415,000 Gini toddobaadkii, ayaa waxa uu rajaynayaa in uu si degdeg ah u heli doono guri, waxaana arrintan ka caawinaya kooxdiisa Bayern Munich.

Harry Kane iyo xaaskiisa Kate Goodland, ayaa waxa ay magaalada London ka deggenaayeen guri  weyn oo qiimihiisu yahay £17 milyan oo Gini, halkaas oo ay afartooda carruurta ahna si xorriyada h ugula noolaayeen, halka hadda ay ku curduduuban yihiin hotel ku yaalla Munich.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa sheegtay, in guryaha waaweyn ee magaalada Munich ay qiimeyaashoodu u dhexeeyaan £10 milyan oo Gini illaa £20 milyan oo Gini, waxaana intooda badan qarisay dhir, waxaana uu laacibkani kala dooranayaa guryo badan oo loosoo bandhigay. at the five-star hotel in Munich.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*