Muxuu Yahay Rikoodhka Uu Harry Kane Ka Sameeyey Bundesliga Ee Lagaga Sheekaysanayo Jarmalka?


Harry Kane ayaa noqday xiddiga Der Klassiker oo ah naanaysta kulanka Bayern Munich iyo Borussia Dortmund oo uu ka dhaliyey saddexlay, waxaana uu dhigay rikoodh ku cusub horyaalka Bundesliga ee waddanka Germany.

Xiddiga reer England oo xagaagii ay Bayern Munich kala soo wareegtay Tottenham ayaa noqday hoggaamiyaha naadigaas, isaga oo aanay waqti ku qaadanin inuu saldhigo Allianz Arena.

Saddexda gool ee uu ka dhaliyey Borussia Dortmund oo ay ku booqdeen Signal Iduna Park ayaa waxay Harry Kane u diiwaangeliyeen goolashiisii 13aad, 14aad iyo 15aad ee horyaalka Bundesliga, waxaana uu noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee 10kiisii ciyaarood ee ugu horreeyey ee horyaalka Bundesliga ka dhaliya 15 gool.

Harry Kane oo aan waligii ku guuleysanin wax koob ah ayaa hadda ku sigaya in uu burburiyo habaarkii ka saarnaa dhinaca koobabka, waxaana uu ku riyoonayaa in uu gacanta ku dhigi doono horyaalka Bundesliga oo ay Bayern Munich ku guuleysan doonto, inkasta oo ay ka hadheen tartanka Geran Cup.

Bayern Munich ayaa ku jirta kaalinta labaad ee horyaalka Bundesliga, waxaanay laba dhibcood ka dambeeyaan Bayer Leverkusen oo hoggaanka haysa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*