Dhaawaca Frenkie De Jong Oo Madax-xanuun Ku Riday Xavi Hernandez Oo Garan La’ Waqtiga Uu Soo Laabanayo


Frenkie de Jong ayaa dhaawac kaga maqnaanaya Barcelona ciyaarta badhtamaha usbuuca ee Shakhtar Donetsk ee tartanka Champions League, waxaana ay kooxdiisu si dhab ah u xaqiijin la’dahay waqtiga uu kusoo laabanayo garoomada.

Kubbad-sameeyaha reer Netherlands oo ku dhaawacmay ciayartii Celta Vigo ee September 23, ayaa la filayay in uu waqti kooan kusoo laaanayo, waxaana lagu arkay garoonka tababarka Ciutat Eesportiva Joan Gamper maalintii Isniintii.

Xavi Hernandez ayaa filayay in uu diyaar u noqon karayo ciyaartii Real Sociedad ee Sabtidii, iyadoo marka horena ay jirtay filasho ahayd in ay suurtogal tahay in uu taam u noqdo kulankii Real Madrid ee usbuucii hore, hase yeeshee waxa hadda uu ka maqnaanayaa kulanka Shakhtar Donetsk ee Champions League.

Warbaahinta Spain ayaa sheegaysa, in De Jong uu taam u noqon doono ciyaarta Alaves ee horyaalka LaLiga ee Axadda ka hor inta aan loo bixin kulamada caalamiga ah, balse illaa hadda ma jirto hubanti ama damaanad uu Xavi u haysto in laacibkani uu dheeli karayo kulankaas.

Ciyaarta ugu soo horreysa ee Xavi uu kalsoonida ku qabo in uu ciyaarsiin doono Frenkie de Jong ayaa lagu sheegay kulanka Rayo Vallecano ee November 25 ee kaddib kulamada caalamiga ah ee bisha November..

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*