Xogtii Ugu Dambaysay Ee Xiddigaha Ka Dhaawacan Barcelona Iyo Laacibka Loo Fasaxay Inuu Ciyaaro


Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa dib u heshay ciyaartooyo muhiim ah oo diyaar u ah kulanka Real Sociedad ee Sabtida, taas oo tababare Xavi Hernandez iyo xiddigihiisu ay u dagaallami doonaan in ay dib ugu soo laabtaan dariiqa guusha ee ay ka lumisay Real Madrid toddobaadkii hore.

Barcelona oo afar dhibcood ka dambaysa Real Madrid iyo Girona oo hoggaanka wada haya, sidoo kalena hal dhibic ka hooseeya Atletico Madrid oo saddexaad fadhida, ayaa waxay booqan doontaa Real Sociedad oo qaab fiican ku jirta.

Xavi Hernandez ayay kooxdiisu marti doontaa imtixaan adag maadaama ay wali la niyad-jabsan yihiin guul-darradii ay kala kulmeen El Clasico oo garoonkooda ay Real Madrid kusoo garaacday, waxaana waliba xaaladdooda sii xumaynaysa La Real oo bandhig cajiiib ah ka samaynaysay garoomada xilli-ciyaareedkan.

Laakiin warka fiican ee Barcelona ay heshay ka hor safarka Donostia-San Sebastian ayaa waxa uu yahay in uu taam u noqday xiddiga khadka dhexe ee Pedri oo kasoo laabtay dhaawac uu ku maqnaa tan iyo bishii August, waxaana ay dhakhaatiirtu u caddeeyeen horraantii toddobaadkan in uu ciyaari karayo, inkasta oo kulankii El Clasico uu waqti hore ku noqday.

20 jirkan ayaa waxa uu liiska ciyaartoyda usoo laabtay Barcelona kula biirayaa Raphinha, Jules Kounde iyo Robert Lewandowski oo saddexduba qayb ka ahaa ciyaartii Real Madrid ee Sabtidii, hase yeeshee waxa aan wali loo fasixin inuu ciyaari karayo kubbad-sameeyaha reer Netherlands ee Frenkie de Jong.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*