Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa sharraxaad ka bixiyey sababta uu kabtanka uga dhigay xiddiga reer Brazil ee Casemiro kulanka adag ee Newcastle United ee wareegga siddeedda Carabao Cup.
Casemiro ayaa loo doortay kabtanka Manchester United iyadoo uu kaydka ku jiro Bruno Fernandes oo ah kabtanka rasmiga ah ee kooxda, waxaana Casemiro uu calaamaddan xidhanayaa iyadoo uu difaaca dhexe ka dheelayo kabtankii hore ee kooxda ee Harry Maguire.
Erik ten Hag ayaa maalmihii ugu dambeeyey laga dalbanayay inuu kabtannimada ka wareejiyo Bruno Fernandes oo lagu dhalliilay sidii uu u dhaqmay ciyaartii Manchester City, taas oo yooyootan badan uu samynayay, lana tirsanayay garsooraha.
Kabtankii hore ee Manchester United ee Roy Keane ayaa usoo jeediyey Ten Hag inuu kabtannimada ka xayuubiyo Bruno Fernandes, waxaana iyadoo arrintaasi taagan uu tababaruhu qaatay go’aan uu ku fadhiisiyey Bruno Fernandes, isla markaana kabtannimada ugu dhiibay Casemiro.
Erik ten Hag oo la hadlay warbaahinta ayaa la weydiiyey sababta uu Casemiro uga dhigay kabtanka, waxaanu ku jawaabay: “Casemiro mar walba wuxuu muujiyaa in uu yahay hoggaamiye, waan ku kalsoonahay in uu yahay ciyaartoyga ugu habboon ee xidhanaya calaamadda kabtanimada.”
Be the first to comment