Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa la kulantay jug weyn, waxaana loo sheegay in ay iska illoobaan xiddiga reer Brazil ee Gabriel Jesus ilaa bisha dambe ee December, kaddib dhaawac muruqa ahaa oo soo gaadhay bishii hore.
Gabriel Jesus ayaa dhaawac ku seegay ciyaartii Sheffield United ay kooxdiisu ku xasuuqday 5-0, taas oo uu saddexlay dhaliyey Eddie Nketiah oo ah laacibka Gunners usii buuxinaya booska weerarka dhexe.
Arsenal ayaa filaysay in Jesus uu usoo laaban doono horraanta bisha November gaar ahaan ciyaarta Newcastle United ee Sabtida ee horyaalka Premier League, hase yeeshee dhakhaatiirta ayaa waxay ku wargeliyeen Mikel Arteta in xaaladda laacibkan ay ka xun tahay sidii hore loo moodayey.
Mikel Arteta oo saxaafadda la hadlay ayaa qirtay in aanu garanayn waqtiga uu dib u heli doono Jesus, balse waxa hadda loo aqiijiyey in aanu midkoodna ku xisaabtamin ciyaaraha Newcastle United, Burnley iyo Brentford, sidoo kalena aanu qayb uga noqon doonin kulamada Champions League ee Sevilla iyo RC Lens ee Emirates Stadium.
26 jirkan oo qaab fiican kaga jiray tartanka Champions League oo saddexdii ciyaarood ee uu saftay u dhaliyey saddex gool, ayaa waxa la filayaa in uu garoomada kusoo noqdo ciyaarta ay Arsenal garoonkeeda ku martigelin doonto Wolves ee December 2.
Be the first to comment