Waa kuma ciyaartoyga beddeli doona Sadio Mane ee ku guuleysan doona abaal-marinta African Ballon d’Or ee uu xiddiga reer Senegal ku guuleystay sannadihii 2022 iyo 2019? Waa su’aal lasoo baxday markii maanta la shaaciyey liiska 30ka ciyaartoy ee ku tartamaya abaal-marinta xiddiga sannadka ee Afrika.
Xidhiidhka kubadda cagta Afrika ee CAF ayaa waxa uu soo saaray liiska 30ka ciyaartoy ee ku tartamaya abaal-marinta 2023 African Ballon d’Or, waxaana ciyaartoyda kusoo baxay liiskan ee tartamaya ka mid ah Riyad Mahrez, Mohamed Salah, Sadio Mane, Hakim Ziyech, Yassine Bounou iyo Victor Osimhenare oo ah kuwa ugu cadcad.
Morocco oo Koobkii Adduunka 2022 soo gaadhay semi-finalka oo ahayd halkii ugu fiicnayd ee abid uu xul Afrikaan ah yimaaddo ayay toddoba ciyaartoy kaga jiraan liiska gaaban ee 30ka ciyaartoy ee maanta la shaaciyey, halka Masar ay tahay dalka labaad ee ciyaartoyda ugu badan ku leh oo ay ka socdaan afar laacib.
Algeria, Cameroon, Senegal, Ivory Coast DR Congo iyo Ghana ayaa min laba ciyaartoy ay ugu jiraan liiska, halka Burkina Faso, Guinea, Mali, Namibia, Nigeria, South Africa iyo Tunisia ay min hal ciyaartoy ku leeyihiin tartameyaasha.
Abaal-marinta African Ballon d’Or ayaa sannadkii 29aad la bixinayaa, waxaana guuleystaha lagaga dhawaaqi doonaa xaflad lagu qaban doono magaalada Marrakech ee waddanka Morocco marka ay taariikhdu tahay 11 December.
Waa kuwan liiska 30ka ciyaartoy ee ku tartamaya Ballon d’Or
- Ramy Bensebaïni
- Riyad Mahrez
- Edmond Tapsoba
- Frank Anguissa
- Vincent Aboubakar
- Ibrahim Sangaré
- Seko Fofana
- Chancel Mbemba
- Fiston Mayele
- Mahmoud Abdel Moneim
- Mohamed Abdelmonem
- Mohammed El Shenawy
- Mohamed Salah
- Mohammed Kudus
- Thomas Partey
- Serhou Guirassy
- Yves Bissouma
- Achraf Hakimi
- Azzedine Ounahi
- Hakim Ziyech
- Sofyan Amrabat
- Yahya Jabrane
- Yassine Bounou
- Youssef En-Nesyri
- Peter Shalulile
- Victor Osimhen
- Sadio Mané
- Pape Matar Sarr
- Percy Tau
- Mohamed Ali Ben Romdhane
Be the first to comment