Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ee Erik ten Hag ayaa loo qabtay shan ciyaarood oo uu isku badbaadiyo, kuwaas oo haddii uu natiijooyin fiican ka keeni waayo laga caydhin doono shaqadiisa Old Trafford.
Ten Hag oo xilli-ciyaareedkiisii koowaad ee Old Trafford uu ahaa mid wanaagsan oo uu u qaaday koobka Carabao Cup, sidoo kalena uu usoo saaray tartanka Champions League, ayaa hadda ku dhibaatoonaya horyaalka Premier League.
Toban ciyaarood oo horyaalka ah oo ay dheeleen ayaa laga badiyey shan ka mid ah, sidoo kalena saddex ciyaarood oo Champions League ah ayaa la garaacay laba ka mid ah, waana rikoodh guul-darrooyin ah oo aanay kooxdaasi rumaysan karayn.
Red Devils oo xagaagii lacago badan kasoo bixisayMason Mount, Andre Onana iyo Rasmus Hojlund, sidoo kalena amaah kusoo qaadatay Sofyan Amrabat iyo Sergio Reguilon ayaa natiijooyinka aan fiicnayn ee ay ka keenayaan garoomadu waxay halis gelinaysaa shaqada Ten Hag.
Warbaahinta waddanka Ingiriiska ayaa sheegtay, in Manchester United ay ka fiirsanayso inay shaqada ka caydhiso Erik ten Hag oo ay ku beddesho Zinedine Zidane haddii uu ogolaado, halka ay sidoo kalena soo bandhigeen shan ciyaarood oo go’aaminaya mustaqbalka Erik ten Hag.
Ciyaarta koowaad ayaa ah kulanka caawa ee Newcastle United ee wareegga 16ka Carabao Cup oo laga doonayo inuu guul ka keeno, kooxdana usoo saaro siddeed-dhamaadka.
Waxa ugu xiga ciyaarta Fulham ee horyaalka Premier League iyo ciyaarta adag ee FC Cophenagen ee Champions League, taas oo haddii laga badiyo ay halis geli doonto fursadda ay ugu soo bixi karayaan wareegga 16ka Champions League.
Waxa kale oo ciyaarta afraad ah kulanka Galatasaray ee Champions League iyo laba ciyaarood oo kale oo xigaya oo ah Newcastle United iyo Chelsea oo horyaalka Premier League ah, waxaana lixdaas ciyaarood laga doonayaa in uu guulo waaweyn kasoo hooyo Erik ten Hag, haddii kale waxa uu lumin doonaa shaqadiisa.
Be the first to comment