Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa dib u heshay xiddigga reer Turkey ee Arda Güler oo dib ugu soo laabtay tababarka, isla markaana si nabad-qab iyo taam ah ku dhamaystay tababarkii koowaad ee maanta.
Laacibkan oo ay Real Madrid la saxeexatay xagaagii, ayaa waxa rajo fiican laga qabaa in uu kooxda ka mid noqon doono ciyaarta Rayo Vallecano ee usbuuca soo socda, kaddib dhaawacyo laba-jeer ahaa oo sababay in illaa hadda aanu kooxda u safani.
Los Blancos ayaa u sabirtay laacibkan oo u muujisay in aan lagu soo dedejin garoomada, si aanu mar kale u dhaawacmin, waxaana hadda uu isku diyaarinayaa saddexda ciyaarood ee garoonka Santiago Bernabeu ay ku dheelayaan ee Rayo Vallecano, Sporting de Braga iyo Valencia.
Jimcaha ayaa uu Carlo Ancelotti go’aan ka gaadhi doonaa in uu kusoo daro liiska ciyaartoydiisa kulanka Rayo Vallecano balse waxa ka horreyn doona tababarka Khamiista iyo Jimcaha oo ah kuwa go’aanka lagu qaadanayo.
Be the first to comment