Zinedine Zidane Oo Caddeeyey Haddii Uu Noqonayo Tababaraha Manchester United


Zinedine Zidane ayaa ka hadlay haddii uu noqonayo tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United oo la sheegay in ay ka fiirsanayso in ay shaqada ka caydhiso tababare Erik ten Hag, kaddib guul-darradii ay Manchester City ugu xambaarisay Old Trafford.

Red Devils ayaa waxay wali kalsooni u muujinaysaa Ten Hag, laakiin natiijooyinka ay kooxdu ka keentay garoomada oo ah 14 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo toddoba ka mid ah laga badiyey ayaa ku keenaya niyad-jab iyo xaalad aan loo dul-qaadan karaynin.

Khabiirka Sky Sports ee Micah Richards ayaa guul-darradii Man City waxa uu ku tilmaamay ‘cashar kubadda, cagta ah oo la barayo Man United, iyadoo tobankii kulan ee Premier League shan ka mid ah laga badiyey.

Tiro tababareyaal ah ayaa la hadal hayaa in Manchester United ay kala dooran doonto haddii ay erido Ten Hag, waxaana dookhooda koowaad uu yahay Zinedine Zidane oo ay doorbidayaan in ay markan ku aaminaan kooxda.

Zidane ayay Red Devils ku dooratay in uu yahay shaqsi magac weyn oo ahaa ciyaartoy kusoo guuleystay Koobka Adduunka, Euro iyo Champions League, sidoo kalena markii uu tababaraha noqday saddex Champions League oo isku xigay u qaaday Real Madrid.

Zidane oo shaqo la’aan ahaa tan iyo markii uu ka tegay Real Madrid xagaagii 2021, ayaa la filayay in uu kusoo laabto garoomada oo uu noqdo tababaraha xulka qaranka France, balse waxa waqtiga loo dheereeyey Didier Deschamps ayaa waxa waraysi uu siiyey wargeyska L’Euipe lagu weydiiyey dareenkiisa la xidhiidha Man United.

Isaga oo ka jawaabayay su’aashaas, waxa uu yidhi: “Markii aan ahaa ciyaartoyga, waan dooran karayay koox walba, laakiin tababare ahaan, ma jiraan 50 kooxood oo aan tegi karayo, waxa kaliya oo suurtogal ah lama ama saddex kooxood.

“Haddii aan ku laabanayo koox, waa in aan guuleysto, waana sababtaas midda aanan u tegi karaynin meel walba (koox walba).”

Waxa kale oo uu Zidane sheegay hal caqabad oo u diidaysa in uu tago Manchester United, waxaanu yidhi: “Waxa jira sababo kale oo aanan u tegi karaynin kooxaha qaarkood. Waxa ka mid ah luuqadda. Marka ay dadku leeyihiin ma tegaysaa Manchester, waxa aan leeyahay, waan fahamaa luuqadda Ingiriisida, laakiin wali si fiican uma aanan baranin.

“Waxa aan garanayaa kooxo tegay naadiyo iyagoon ku hadli karin luuqadda dalkaas, laakiin anigu si ka duwan ayaan u shaqeeyaa. Si aad u guuleysato, waxyaabo badan ayaa muhiim ah, waana qaaciido caam ah, aniguna waan garanayaa waxa aan u baahanahay.”

Inkasta oo hadalkan uu mar hore ahaa, haddana waxa uu waqtigaas albaabada ka xidhanayey Manchester United, balse hadda lama oga inuu si fiican u bartay luuqadda iyo in kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*