Real Madrid Oo Isku Diyaarinaysa Shaacinta Heshiiska Xiddig Kale Oo Cimrigiisa U Hibaynaya Santiago Bernabeu


Kaddib markii ay Real Madrid maanta soo bandhigtay Vinicius Junior oo heshiis cusub oo afar sannadood ah saxeexay, waxa haddana ay isku diyaarinayaan shaacinta heshiiska xiddig kale oo saxaafadda loo ballamiyey maalinta Khamiista oo lagu soo bandhigi doono Santiago Bernabeu.

Real Madrid ayaa waxay doonaysaa in ay meel ku hubsato mustaqbalka ciyaartoydeeda muhiimka ah ee ay da’doodu yar tahay, isla markaana ay heshiisyo waqti dheer ah ka saxeexdo si ay meesha uga saarto in ay kooxo kale hungureeyaan.

Maalinta Khamiista ayay Real Madrid garoonka Santiago Bernabeu kusoo bandhigi doontaa xiddiga da’da yar ee reer Brazil ee Rodrygo Goes oo u saxeexi doona heshiis shan sannadood ah oo socon doona illaa sannadka 2028, kaas oo lagu dabri doono qodob dhigaya in 1 bilyan oo Gini lagu burburin karayo.

Sannadkii 2022 ayay Real Madrid heshiis cusub ka saxeexday Rodrygo Goes, balse illaa hadda si rasmi ah looma soo bandhigin hadda ayaana 22 jirkani uu si rasmi ah qalinka ugu duugi doonaa qandaraaska cusub oo si weyn sare ugu qaadi doona mushaharkiisa Santiago Bernabeu.

Inkasta oo Rodrygo Goes aanu xilli-ciyaareedku si fiican ugu bilaabmin oo uu ku dhibaatooday dhalinta goolasha kaddib markii laga ciyaarsiiyey weerarka dhexe si uu u buuxiyo booskii uu banneeyey Karim Benzema, haddana waxa uu kalsooni ka haystaa Carlo Ancelotti iyo Florentino Perez oo isku raacsan in uu yahay mustaqbalka Santiago Bernabeu.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*