Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa saxaafadda usoo bandhigtay xiddiga reer Brazil ee Vinicius Junior oo qalinka ku duugay heshiis cusub oo afar sannadood ah oo kusii hayn doona garoonka Santiago Bernabeu illaa laga gaadhayo sannadka 2027.
23 jirkan ayaa in muddo ahba la sugayay waqtiga sida rasmiga ah loogu dhawaaqayo heshiiskiisa cusub, waxaana war-saxaafadeed ay soo saartay Real Madrid lagu yidhi: “Kooxda kubadda cagta Real Madrid iyo Vinicius Jr. waxay gaadheen heshiis cusub oo lagu dheeraynayo waqtiga ciyaartoyga oo kusii negaan doona naadiga illaa 30 June 2027.”
Qandaraaskii hore ee Vinicius Jr oo ku ekaa xagaaga 2024, ayaa lagu kordhiyey saddex sannadood iyadoo sannadkii uga hadhsanaa heshiiskiisa horena uu la qaab noqonayo qandaraaska cusub oo si weyn sare ugu qaadaya mushahaharkiisa iyo gunnooyinka uu kooxda ka qaato.
Heshiiskan oo bishii hore dib loo dhigay waqtiga la shaacinayo sababo gudaha kooxda ah, ayaa waxa lagu daray qodob dhigaya in kooxda soo dalbata ee isku dayda inay ka xoogta Madrid ay bixin doonto lacag dhan €1 bilyan oo Gini oo lagu burburin karayo qandaraaskiisa.
Heshiiska cusub ee uu Vinicius Junior u saxeexay Real Madrid ayaa yimid saacado kaddib markii uu laacibkani ka qayb-galay xafladdii xalay ee abaal-marinta Ballon d’Or oo uu isaguna ku guulaystay abaal-marinta Socrates Award oo uu ku mutaystay sida uu ula dagaallamo cunsuriyadda iyo in uu waxbarashada ka caawiyo carruurta waddankiisa oo uu ku kharash gareeyey lacag ka badan €4 milyan oo Euro dhawrkii sannadood ee tegay.
Be the first to comment