Waddanka Sucuudiga Oo Garabka Ku Riixay Dalalkii Kula Tartamayay Martigelinta Koobka Adduunka


Waddanka Sucuudi Carabiya ayaa qarka u saaran in loo doorto martigeliyaha Koobka Adduunka 2034, kaddib markii uu garabka ku riixay dalkii kula tartamayay ee Australia oo go’aansaday in ay ka baxaan loollanka ay ku jiraan.

Saacado kooban ayaa ka hadhsan waqtiga kama dambaysta ah ee ay FIFA u qabatay in dalalku soo gebiyaan codsiyada martigelinta oo ku eg Salaasada maanta, waxaana go’aan lama filaan ah qaatay xidhiidhka kubadda cagta Australia oo shaaciyey in ay ka laabteen go’aankoodii ahaa in ay ku tartamaan martigelinta sannadka 2034 ee Koobka Adduunka.

Dawladda Australia waxay awoodda saari doontaa in ay martigeliso Koobka Qaramada Asia ee 2026 iyo Koobka Naaniyada dunida [Club world cup] ee sannadka 2029.

Koobka Adduunka 2026 ayaa waxa ay FIFA hore ugu dooratay waddamada Maraykanka, Mexico iyo Canada oo wada-jir u martigelin doona, halka sannadka 2030 ay wada qaban doonaan saddexda waddan ee Morocco, Portugal iyo Spain, iyadoo qaybo ka mid ah ciyaaraha lagu dheeli doono waddamada Argentina, Paraguay iyo Uruguay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*