Barcelona iyo Real Madrid ayaa ah kooxaha ay ciyaartoydoodu ku guuleysteen tirada ugu badan ee abaal-marinta Ballon d’Or, iyadoo xalay uu xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi qaaday markiisii siddeedaad, balse ay u muuqanayso in ay tahay markiisii ugu dambeeyey ee uu ku guuleysto sababtoo ah da’diisa weynaatay iyo inuu ka baxay qaaradda Yurub.
36 jirkan ayaa waxa uu abaal-marinta ku garaacay Erling Haaland oo kaalinta labaad galay iyo Kylian Mbappe oo saddexaad ahaa, halka Rodri oo Man City u dheela iyadoo Vinicius Junior uu galay kaalinta shanaad.
Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa 15kii sannadood ee ugu dambeeyey, waxay ku kala guuleysteen abaal-marintan isugeyn 13 jeer, waxaana kaliya soo dhax-galay Luka Modric oo 2018 qaaday iyo Karim Benzema oo 2022 ka dhax-qaaday halka inta kale ay labada ciyaartoy ee xafiiltanka waqti dheer uu u dhexeeyey ay iska beddelayeen.
Kooxaha reer Spain ee Real Madrid iyo Barcelona ayaa waxa ay haystaan min 16 Ballon d’Or oo ay ciyaartoydoodu ku guuleysteen, waxaana ciyaartoygii ugu horreeyey ee Barcelona ah ee abaal-marintan la siiyo uu ahaa Luis Suarez oo sannadkii 1960kii ku guulystay, halka Johan Cruyff uu isaguna laba jeer qaatay, waxaana raadka sii raacay xiddigaha Brazil ee Ronaldo, Rivaldo iyo Ronaldinho iyadoo Hristo Stoichkov uu sannadkii 1994kii ku guuleystay isaga oo u ciyaarayay Barcelona.
Real Madrid waxa ciyaartoygii ugu dambeeyey ee ku guuleysta uu ahaa Karim Benzema oo sannadkii 2022 qaatay, waxaana ka horreeyey Luka Modric oo 2018 ahaa iyo afar jeer oo Cristiano Ronaldo uu qaatay.
Waxa iyaguna ku guuleystay Fabio Cannavaro, Luis Figo, Ronaldo Nazario iyo Alfredo Di Stefano.
Halkan kaga bogo inta jeer ee koox walba ay ciyaartoydeedu qaadeen Ballon d’Or
- Barcelona (16)
- Real Madrid (16)
- Juventus (8)
- AC Milan (8)
- Bayern Munich (5)
- Manchester United (4)
- Dynamo Kiev (2)
- Inter Milan (2)
- Hamburg (2)
- Inter Miami (1)
- Ajax (1)
- Paris Saint-Germain (1)
- Benfica (1)
- Blackpool (1)
- Borussia Dortmund (1)
- Borussia Mönchengladbach (1)
- Dukla Prague (1)
- Dynamo Moscow (1)
- Ferencvaros (1)
- Liverpool (1)
- Marseille (1)
Be the first to comment