Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa calaamadsatay saxeexa koowaad ee ay samaynayso marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga, kaas oo ay ku xoojinayaan awooddooda si ay ugu tartami karaan horyaalka Premier League ee sannadkii labaad ay ka yihiin kooxaha ugu cadcad.
Tababare Mikel Arteta ayaa doonaya in uu kooxdiisa ka dhiso saddexda boos ee afka hore ee weerarka, khadka dhexe oo waliba kubbad-burburiye ah iyo difaaca dhexe.
Gunners ayaa la sheegay in ay bilaabayso hawlgalka difaaca dhexe ee ay safkooda kusoo kordhinayaan, waxaana uu Mikel Arteta u doortay xiddiga reer England ee Marc Guehi oo tiir-dhexaad u ah naadiga Crystal Palace.
Laacibkan oo ay raadinayaan kooxo waaweyn oo Premier League ah sida Liverpool, Manchester United iyo Tottenham, ayaa waxa qiimihiisa lagu sheegay £50 milyan oo Gini oo Arsenal laga doonayo in ay shubto si ay u heli karto.
23 jirkan oo ka mid ah xulka qaranka England ayaa waxa uu Arteta doonayaa in uu ka garab ciyaarsiiyo William Saliba iyadoo uu saluugsan yahay daafaca dhexe ee Brazil ee Gabriel Magalhaes.
Be the first to comment