SAADAAL: Tirada Goolasha Ay Ku Kala Badinayaan Barcelona vs Real Madrid Oo La Saadaaliyey


Kooxaha waaweyn ee Spain ee Barcelona iyo Real Madrid ayaa Sabtida berri ku kulmi doona ciyaartoodii koowaad ee horyaalka LaLiga ee xilli-ciyaareedkan, taas oo noqon doonta markii koowaad ee ciyaartan xiisaha leh ee El Clasico ay kasoo muuqdaan Jude Bellingham iyo Ilkay Gundogan, inkasta oo ciyaarihii saaxiibtinimo ee Maraykanka ay joogeen.

Abbaaro 5.15pm waqtiga saacadda Geeska Afrika ayaa loogu goleyn doonaa garoonka ku-meelgaadhka ah ee Barcelona y u guurtay markii ay dumisay Camp Nou ee ay dib uga binaysay dhisme cusub oo sannado soconaya, waxaana si weyn indhaha loogu hayaa natiijada ciyaartan iyo bandhigga ay samayn doonaan labada kooxood.

Horyaalka Spain oo 10 kulan la ciyaaray ayaa waxa labada kooxood ay kala dambeeyaan hal dhibic oo kaliya iyadoo Real Madrid ay ku raaxaysanayso hoggaanka oo ay ku hayso 25 dhibcood, halka Barcelona oo saddexaad fadhida ay haysato 24 dhibcood.

Real Madrid hal mar oo kaliya ayaa laga badiyey horyaalka xilli-ciyaareedkan, halka Barcelona aan illaa hadda dhinaceeda dhulka la dhigin, balse ay dhawr jeer barbarro gashay.

Difaacii hore ee xulka qaranka Portugal, FC Porto, Chelsea iyo Real Madrid ee Ricardo Carvalho ayaa saadaaliyey ciyaartan, waxaana dhiibtay aragtidiisa isaga oo ka tusaale qaadanaya rikoodhka Carlo Ancelotti ee sannadihii ugu dambeeyey uu ka haysay Barcelona.

Carvalho oo Real Madrid u ciyaaray intii u dhaxaysay 2010 illaa 213, ayaa waxa uu saadaaliyey in labada kooxood ay ku kala bixi doonaan 2-1 oo ay guushu raaci doonto Real Madrid, iyadoo goolasha Los Blancos ay dhalin doonaan Vinicius Jr iyo Rodrygo Goes.

Isaga oo ka jawaabayay su’aal laga weydiiyey saadaashiisa kulankan, waxa uu Carvalho yidhi: “Saadaasha El Clasico? 1-2 ayay Real Madrid ku badinaysaa, waxaana goolasha u dhalinaya Vini Jr iyo Rodrygo.”

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*