Gavi Oo Kusii Jeeda Koox Premier League Ah, Waqtiga Uu De Bruyne Tegayo Sucuudiga, Arsenal Oo Qaadanaysa Tchouameni Iyo Wararka Suuqa Ee Maanta Oo Jimce Ah


Masuuliyiin horyaalka waddanka Sucuudiga ayaa laga soo xigtay, in xiddiga reer Belgium ee Kvein De Bruyne oo 32 jir ah uu dalkaas tegi doono sannadka 2024. (Football Insider)

Newcastle waxay doonaysaa in bisha January ay la saxeexato xiddiga reer Portugal ee Ruben Neves oo xagaagii ay kooxda Sucuudiga ee Al-hilal lacag badan kula wareegtay. 26 jirkan ayaa soo galay tiiradda Newcastle markii ganaax toban bilood ah lagu riday saxeexoodii cusbaa ee Sandro Tonali. (90 min)

Chelsea waxay doonaysaa in ay la saxeexato xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Barcelona Gavi oo qiimihiisa lagu sheegay £87 milyan oo Gini. Dhibaatooyinka dhaqaale ee haysa Barcelona ayaa la sheegay in ay ku qasbi karayso in xagaaga ay iibiso 19 jirakn. (Sport)

Jadon Sancho ayaa amaah ku tegi doona Sucuudiga bisha January, iyadoo sidoo kalena ay doonayaan Chelsea iyo Borussia Dortmund. 23 jirkan ayaa diyaar u ah si walba oo uu uga bixi karayo Machester United. (Athletic)

Khadka dhexe ee Crystal Palace iyo xulka England ee Eberechi Eze oo 25 jir ah, ayaa la sheegay in kooxdiisu ay ku kalsoon tahay in uu saxeexi doono heshiis waqti dheer ah, inkasta oo Manchester City ay doonayso. (Standard)

Arsenal ayaa isku dayi doonta inay la saxeexato xiddiga Real Madrid iyo xulka France ee Aurelien Tchouameni oo 23 jir ah dhamaadka xilli-ciyaareedkan, si uu uga garab ciyaaro xiddiga England ee Declan Rice. (Football Transfers)

Liverpool ayaa ugu cadcad tartanka loogu jiro difaaca dhexe ee Portugal iyo kooxda Sporting Lisbon ee Goncalo Inacio oo 22 jir ah. (Bild)

Newcastle ayaa noqotay kooxdii ugu dambaysay ee Premier League ah ee uu hunguri ka galo difaaca Inter Milan ee Federico Dimarco. 25 jirkan xulka Talyaaniga ayaa waxa hore u doonayay Chelsea iyo Manchester United. (Fichajes)

Manchester City waxay diyaar u tahay in ay iibiso weeraryahanka reer Argentina ee Julian Alvarez oo 23 jir ah haddii ay hesho dalab gaadhaya £80 milyan oo Gini. (Football Insider)

West Ham iyo Brentford ayaa ku tartamaya mucjisada gool-dhalinta horyaalka Bundesliga ee Serhou Guirassy oo 14 gool u dhaliyey Stuttgart xilli-ciyaareedkan. 23 jirkan ayaa waxa bisha January lagu heli karayaa £15.2 milyan oo Gini oo lagu burburin karayo qandaraaskiisa. (90 min)

Chelsea waxay si dhow ula socotaa xaaladda 17 jirka reer France ee difaaca uga ciyaara Lille ee Leny Yoro. (90 min)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*