DEG-DEG: Sandro Tonali Oo Ciyaaraha Laga Mamnuucay Iyo Newcastle Oo Dacwad Ku Oogeysa AC Milan


Xiddiga xulka qaranka Talyaaniga iyo kooxda Newcastle United ayaa muddo toban bilood ah laga mamnuucayaa ciyaaraha, waxaana dacwado hor leh iska gudbin doona labada kooxood ee la kala wareegay xagaagii ee Newcastle United iyo AC Milan.

Sandro Tonali ayaa lagu helay inuu khamaar ku sameeyey natiijooyinka kulamada kooxdiisii hore ee AC Milan, ka hor intii aanu u wareegin horyaalka Premier League xagaagii, waxaana la filayaa in goordhow uu xidhiidhka kubadda cagta Talyaanigu uu shaaciyo muddada la ganaaxay.

Warbaahinta waddanka Talyaaniga ayaa sheegtay, in Sandro Tonali  la ganaaxayo toban bilood oo qaybo ka mid ah uu qaadan doono waxbrasho dibu-soo-kabasho ah iyo shuruucda ciyaaraha, si aanu mar dambe ugu dhicin falkan oo kale.

Dhinaca kale, kooxda kubadda cagta Newcastle United ayaa dacwad ka gudbinaysa AC Milan oo xagaagii ay 23 jirkan kaga soo iibsatay €70 milyan oo Euro, waxaana ay sidoo kale xayiri doontaa mushaharkiisa muddada uu ganaaxa ku maqan yahay oo aanay Newcastle bixin doonin.

Tonali ayaa sannadkii waxa ay Newcastle siisaa €8 milyan oo Euro, waxaanay rumaysan tahay in kooxda horyaalka Serie A ay ogeyd arrinta laacibkan oo ay u qarisay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*