DEG-DEG: Man United vs Newcastle, Arsenal vs West, Liverpool vs … – Isku-aadka Wareegga 4aad Ee Carabao Cup Oo La Shaaciyey


Kaddib markii uu soo dhamaaday wareeggii saddexaad ee tartanka Carabao Cup oo ay 32 kooxood ku kala calaf-qaadeen, waxa la sameeyey isku-aadka 16ka kooxood ee usoo baxay wareegga afraad, iyadoo naadiyo waaweyn oo kala ducaysanayay ay isku beegmeen.

Manchester City oo aad loogu saadaalineyey tartankan ayaa ka hadhay markii ay Newcastle 1-0 kaga badisay, halka Chelsea oo la filayay in Brighton ay reebi doonto uu la baxsaday Nico Jackson oo uu soo saaray.

Waxa kale oo soo gudbay Liverpool, Man United oo Salaasadii kasoo adkaatay Crystal Palace, Arsenal, West, Bournemouth iyo kooxaha ay naadiyada badan ku ducaysanayeen ee Mansfield, Port Vale, Ipswich, Exeter iyo kuwo kale.

16ka kooxood ee soo baxay ayaa loo sameeyey isku-aad, waxaana isla dhiman doona Manchester United iyo Newcastle United oo ahaa labadii kooxood ee iskugu yimid finalkii koobkan ee xilli-ciyaareedkii hore, iyadoo waliba Newcastle ahayd naadigii semi-finalka ku reebay Man City.

Manchester United ayaa markii 12aad oo xidhiidh ah tartankan ku ciyaari doonta garoonkeeda Old Trafford oo ay ku martigelin doonto Newcastle United, halka Arsenal ay koox kale oo reer London ah isku dhaceen, waana West Ham United oo ay ku booqan doonto garoonka London Stadium.

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ay isku beegmeen Bournemouth oo ay waliba marti u noqon doonto, iyadoo la ogyahay in kooxda tababare Jurgen Klopp ay dhowaan saddex dhibcood oo horyaalka Premier League ah ka qaadatay Bournemouth.

Chelsea ayaa waayihi doonta kooxda heerka labaad ee Blackburn, waxaana uu tababare Mauricio Pochettino ku ducaysanayaa in aanay ku ceeboobin kulankooda oo ay soo gudbaan.

Isku-aadka wareegga afraad ee Carabao Cup oo dhamaystiran

Mansfield vs Port Vale

Ipswich vs Fulham

Man Utd vs Newcastle

Bournemouth vs Liverpool

Chelsea vs Blackburn

West Ham vs Arsenal

Everton vs Burnley

Exeter vs Middlesbrough

Goorma ayaa la ciyaari doonaa kulamada wareegga 4aad?

Si la mid ah wareeggii laga soo gudbay ee saddexaad, ciyaaraha wareegga afraad ayaa noqon doona is-arag kaliya oo ay kooxuhu min hal kulan ku kala bixi doonaan.

EFL ayaa waxa uu go’aamiyey in kulamada wareegga afraad la ciyaaro usbuuca ugu dambeeye bisha foodda inagu soo haysa ee October, iyadoo maalinta Isniinta ah ee October 30 ay dhici doonaan ciyaaraha ugu dambeeya, iyadoo isla maalintaa la samayn doono isku-aadka wareegga shanaad.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*