Mesut Ozil Oo Ka Adkaysan Waayey Andre Onana & Harry Maguire Iyo Nuxurka Farriinta Uu U Diray


Mesut Ozil ayaa farriin u diray labada ciyaartoy ee Manchester united ee Harry Maguire iyo Andre Onana kaddib markii ay noqdeen geesiyaasha Red Devils kulankii Champions League ee ay guusha 1-0 ah ka gaadheen FC Copenhagen.

Kaddib laba guul-darro oo isku xigay oo Bayern Munich iyo Galatasaray ay ugu aftaxeen, Manchester United ayaa xalay heshay dhibcihii ugu horreeyey ee tartanka Champions League, waxaanay guushan uga mahad-celiyeen Harry Maguire oo daqiiqaddii 72aad dhaliyey goolka madiga ah iyo Andre Onana oo rikoodhe ka badbaadiyey daqiiqaddii 97aad.

Scott McTominay oo kusoo jiray maalmo uu geesi ahaa ayaa ku dhowaaday in uu murugo usoo hooyo kooxdiisa markii uu xerada ganaaxa dahxdeeda ku sameeyey qalad, laakiin Oana ayaa la baxsaday oo badbaadiyey laadkii Jordan Larsson.

Kaddib ciyaarta, xiddigii hore ee kooxaha Arsenal iyo Real Madrid ee Mesut Ozil ayaa qoraal uu soodhigay bartiisa X, waxa uu ku ammaanay labada ciyaartoy ee Onana iyo Maguire, waxaana uu yidhi: “Harry Maguire & Andre Onana way u qalmaan taas, waxay aamusiiyeen kuwii necbaa.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*