Difaaca Manchester United ee Harry Maguire ayaa laba arrimood oo soo jiitay jamaahiirta kooxdiisa sameeyey markii uu goolka guusha ka dhaliyey FC Copenhagen, kaas oo kusoo celiyey Red Devils in ay u tartanto inay usoo gudubto wareegga 16ka, iyadoo haddii laga badin lahaa ay fursaddeedu hoosayn lahayd.
Harry Maguire oo sannadkan 2023 uu u ahaa mid adag oo uu dhibbane u noqday kursiga kaydka oo uu ku ciilay Erik ten Hag, ayaa waxa uu bandhig heersare ah sameeyey labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee Sheffield United oo ay 2-1 kaga adkaadeen Sabtidii iyo Salaasadii xalay oo ay 1-0 kumuquuniyeen FC Copenhage.
Daqiiqaddii 71aad ayuu Maguire shabaqa ku leexiyey kubbad karoos ahayd oo uu soo qaaday Christian Eiksen, taas oo uu madaxa ku qabtay, kaddibna shabaqa u weydaariyey goolhaye Kamil Grabara.
Ciyaarta kaddib, afarta dhinac ee garoonka Old Trafford waxa lagaga heesayay magaca Harry Maguire oo ay taageereyaasha kooxdu ku qaylinayeen, isaga oo sidoo kalena la hadlay saxaafadda oo muujiyey kalsoonidiisa.
Laba arrimood oo sii qarxiyey jacaylka taageereyaasha Manchester United ay u haynayaan ayuu sameeyey Maguire isla markii uu goolka dhaliyey, waxaanay midda hore ahayd in markii uu dhaliyey goolka uu u orday dhinaca taageereyaasha oo uu jilbaha ku simbirixday si uu ugu muujiyo farxadda goolka iyo arrinta labaad oo ahayd in uu hor istaagay taageereyaasha qaybta Sretford End oo uu tilmaamay calaamadda kooxda ee shafka kaga taalla garanka uu xidhnaa.
Labadan arrimood ayaa la sheegay in Maguire uu kalsooni iyo kalgacayl badan kaga helay taageereyaasha kooxdiisa Manchester United.
Be the first to comment