Arsenal, Liverpool Iyo Chelsea Oo U Gudbay Wareegga 4aad Ee Carabao Cup, Man City Oo Ka Hadhay Iyo 16ka Kooxood Ee Isku-aadka Loo Samaynayo


Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa laga reebay tartanka Carabao Cup, waxaana 1-0 ku garaacday Newcastle United, waxaana ay kooxda tababare Eddie Howe boos ka diyaarsatay wareegga afraad.

Liverpool ayaa durduro kusoo baxday markii ay 3-1 ku karbaashtay Leicester City oo heerka labaad ka ciyaartay, iyadoo kooxda tababare Klopp oo lagaga naxsaday gool bilowgii ciyaartu ay awoodday inay saddex gool dhaliso.

Waxa kale oo soo gudubtay Arsenal oo gool madi ahaa ka dhalisay Brentford oo si weyn loogu saadaalinayay in ay ciyaartan libin ka keenayso, maadaama uu Mikel Arteta nasiyey ciyaartoydiisa muhiimka ah.

Chelsea ayaa heshay guul ay aad ugu baahnayd oo dib usoo noolaynaysa niyadda sii dhimanaysa ee ciyaartoydeeda, waxaanay 1-0 kaga adkaadeen Brighton oo ugu dambayn ogolaatay in laga adkaaday markii uu Jackson gool ka dhaliyey qaybtii hore.

Natiijooyinka kulamadii caawa

Liverpool 3-1 Leicester

Blackburn 5-2 Cardiff

Lincoln 0-1 West Ham

Chelsea 1-0 Brighton

Bournemouth 2-0 Stoke

Brentford 0-1 Arsenal

Villa 1-2 Everton

Fulham 2-1 Norwich

Halkan kaga bogo 16ka kooxood ee usoo gudbay wareegga afraad ee Carabao Cup

  1. Burnley
  2. own
  3. Middlesbro
  4. Exeter City
  5. Ipswich Town
  6. Manchester United
  7. Mansfield T
  8. ugh
  9. Port Vale
  10. Bournemouth
  11. Everton
  12. Blackburn
  13. Arsenal
  14. Chelsea
  15. Fulham
  16. West Ham
  17. Liverpool
  18. Newcastle

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*