DEG-DEG: Real Madrid Oo Ku Dhawaaqday In Aanay Haysanin Difaacyo Dhexe, Kaddib Dhaawacyada David Alaba Iyo Antonio Rudiger


Tababaraha kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa ku dhawaaqay in ay ka dhaawacmeen labadii difaac dhexe ee kali ahaa ee uu haysay ay kaga dhaawacmeen ciyaartii caawa ee Las Palmas, isla markaana ay kooxdiisu sidaas difaac la’aan ku tahay.

Real Madrid ayaa guul 2-0 ah ka gaadhay Las Palmas oo marti ugu ahayd Santiago Bernabeu, waxaana qaybtii horeba dhaawac ku baxay David Alaba ka hor intii aanay jug soo gaadhay Antonio Rudiger.

Carlo Ancelotti oo saxaafadda la hadlay kaddib ciyaarta ayaa sheegay in inkasta oo ay waqti hore tahay oo aanu tafaasiil dheeraad ah ka bixin karaynin dhaawaca David Alaba, in haddana ay hubaal tahay in uu ka maqnaan doono ciyaarta horyaalka ee Girona ee Sabtida.

Tababaraha oo la hadlayey saxaafadda ayaa yidhi: “David Alaba ma ciyaari doono kulanka Girona. Rudiger-na waxa soo gaadhay jug.”

Dhakhaatiirta Real Madrid ayaa baadhitaano ku samayn doona Rudiger iyo Alaba ka hor inta aanay kooxdu warbixin rasmi ah kasoo saarin xaaladdooda, hase yeeshee dhaawacan ayaa dhibaato weyn ku ah Los Blancos sababtoo ah waxa hore uga dhaawacnaa Eder Militao.

Ciyaartoyga kaliya ee difaaca dhexe ka ciyaari karaya hadda ee ay haystaan waa Nacho Fernandez, waxaana haddii ay Alaba iyo Rudiger maqnaadaan ay ka dhigan tahay in Tchoaumeni ama Dani Ceballos laga ciyaarsiin doono difaaca dhexe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*