Waa Maxay Sababta Aanay Juventus Ugu Guuleysanayn Horyaalka Serie A Kaddib Guushii AC Milan Ee Axaddii?


Kooxda kubadda cagta Juventus kuma guuleysan doonto horyaalka waddanka Talyaania ee xilli-ciyaareedkan, inkasta oo Axaddii ay garaacday AC Milan oo ay soo gashay kaalinta saddexaad oo ay kaabiga u saaran tahay Inter oo hoggaanka haysa.

Tababare Massimiliano Allegri oo saxaafadda la hadlay ayaa waxa uu sheegay, in hammiga kooxdiisa Juventus uu yahayin ay kaliya ka mid noqoto afarta sare sannadkan oo ay kasoo qayb-gasho tartanka Champions League, balse aanay ahayn naadi ku loollamaya horyaalka Serie A.

Massimiliano Allegri waxa uu intaa ku daray, in horyaalka Serie A uu u dhexeeyo saddexda kooxood ee Inter Milan, Napoli iyo AC Milan iyaguna ay yihiin koox soo urursatay ciyaartooyo da’yar ah oo mustaqalka isku diyaarinaysa, balse hadda aan la loollami karayn naadiyada kale.

Bianconeri ayaa inkasta oo ay haystaan ciyaartooyo waaweyn sida Dusan Vlahovic, Adrien Rabiot iyo Federico Chiesa, waxa ay iska dirtay ciyaartooyo badan sababo dhaqaale awgeed, waxaana ay hammigooda ku sheegeen in kaliya ay mustaqbalka isku diyaarinayaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*