Real Madrid Oo Kaalinta 3aad U Dirtay Barcelona Iyo Mucjisada LaLiga Ee La Joojin La’yahay Oo Hoggaanka Isku Ballaadhisay


Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa kusoo laabatay jidka guusha, kaddib khasaarihii ay Axaddii kala soo kulmeen Atletico Madrid oo kusoo dishay saddex gool oo madax ahaa oo ay jihada kaga lumiyeen goolhaye Kepa Arrizabalaga.

Los Blancos ayaa garoonkeeda kusoo dhoweyday Las Palmas kulan uu tababare Carlo Ancelotti kaydka u diray kala-badh ciyaartoydiisii uu kala hortegay Atletico Madrid, kuwaas oo uu muddo kooban kaga daba-tegay David Alaba oo dhaawac uu soo gaadhay.

Carlo Ancelotti oo ay kooxdiisu awoodda sare lahayd, ayaa waxay labadii qaybood heleen min hal gool, waxaanay 2-0 ku muquuniyeen Las Palmas oo halyeygoodu uu ahaa goolhaye Alvaro Vellas oo haddii aanu joogi lahayn la jabsan lahaa kooxdiisa.

Santiago Bernabeu oo ay taageereyaashu usoo buuxiyeen in ay niyadda u dhisaan xiddigahooda, si ay dib ugu soo laabtaan tubta guusha, ayaa waxa sidoo kale ay u kaceen Vincius Junior oo kasoo laabtay dhaawac uu kaga maqnaa afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey kooxdiisa.

Brahim Diaz oo ay u ahayd ciyaartiisii koowaad ee uu ugu soo bilowdo Real Madrid ayaa hoggaanka u dhiibay naadigiisa ka hor intii aan loo bixin waqtiga nasashada, kaddib markii uu goolka hortiisa ka helay kubbad uu Lucas Vazquez oo beddelay David Alaba oo dhaawacmay uu kasoo dhiibay dhinaca midig.

Diaz ayaa waxa uu goolkan ku illowsiiyey taageereyaasha dhawr fursadood oo dahabi ahaa oo uu khasaariyey, kuwaas oo mid ka mid ah uu ula tegay goolhayaha oo kaliya oo uu ka dul-qaaday balse dhinac ka martay goolka.

Waxa kale oo intii aan loo bixin waqtiga nasashada uu nasiibku diiday Joselu oo saddex fursadood oo goolal ay kusii qorteen taageereyaashu lumiyey, halka Nacho uu goolka hortiisa ka helay kubbad uu darbadeeyey oo uu ku beegay goolhaye Villas.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ee ay sagaal daqiiqadood socotay ayaa gool aad u qurux badnaa oo madax meel fog ah uu Joselu hoggaanka ugu sii dheereeyey Real Madrid, isaga oo baas dahabi ahaa ka helay Rodrygo Goes.

Carlo Ancelotti ayaa firfircoonaysiiyey ciyaartoydiisa markii ay goolasha dhaliyeen, waxaana uu ogolaaday in ay Las Palmas kubadda ciyaarto oo ay inta badan haysato, isagana kooxdiisu ku dedaasho in aan loo weydaaranin goolka.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Real Madrid ay la wareegtay kaalinta labaad ee horyaalka LaLiga oo ay kala baxday Barcelona oo xalay barbarro 2-2 ah la gashay Real Mallorca, waxaanay haystaan 18 dhibcood oo ay ka urursadeen toddoba ciyaarood.

Dhinaca kale, kooxda mucjisada noqotay xilli-ciyaareedkan ee Girona ayaa sii wadata bandhiggeeda iyo guulaha xidhiidhka ah, waxaanay xaqiijisatay libin kale oo ka caawisay in ay hoggaanka horyaalka si buuxda ula wareegaan.

Girona ayaa waxay 2-1 kusoo karbaashtay Villarreal oo ay marti ugu ahayd Estadi de la Ceràmica, waxaanay sidaas ku yeelatay 19 dhibcood, taas oo ka dhigan in toddobadii ciyaarood ee ay dheeleen ay halmar oo kaliya barbarro galeen lixda kalena guuleysteen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*