Tobanka Ciyaartoy Ee Ugu Mushaharka Badan Horyaalka Premier League Oo La Shaaciyey


Xiddiga kooxda Manchester City ee Kevin De Bruyne ayaa hoggaaminaya liiska ciyaartoyda ugu mushaharka badan horyaalka Premier League, iyadoo tobanka sare ay tirada ugu badan ku leedahay Manchester City.

Afar ciyaartoy oo ka mid ah liiska tobanka laacib ee ugu mushaharka badan, waxa ay ka tirsan yihiin kooxda kubadda cagta Manchester City oo sannadihii tegay urursanaysay ciyaartooyo waaweyn oo ay awood dhaqaale kusoo jiidanaysay.

Kubbad-sameeyaha reer Belgium ee Kevin De Bruyne ayaa waxa uu toddobaadkii mushahar u qaataa £400,000 Gini, waxaana labaad fadhiya weeraryahanka reer Norway ee Erling Haaland oo Man City ay mushahar u siiso £375,000 Gini toddobaadkii.

Haaland oo xilli-ciyaareedkii tegay u dhaliyey Man City 52 gool oo dhamaan tartamada ah, ayaa waxa ay ku xiga dhawr ciyaartoy oo ay isku mid yihiin, waana Mohamed Salah iyo Casemiro oo mid walba uu mushaharkiisa toddobaadlaha ah uu yahay £350,000 Gini.

Raphael Varane ayaa ku kaliyeystay kaalinta afraad oo usbuucii ay kooxdiisu mushahar u siisaa £340,000 Gini, halka Raheem Sterling oo ah ciyaartoyga lixaad ee ugu mushaharka badan horyaalka Premier League, waxaana uu usbuucii u xaadiraa £325,000 Gini.

Heshiis cusub oo shan sannadood ah oo bishii July uu saxeexay, ayaa Marcus Rashford loogu qoray mushahar ah £300,000 Gini ayaa ka dhigay ciyaartoyga toddobaad ee ugu mushaharka badan, waxaanay isku mid yihiin Bernardo Silva oo Man City ah.

Ciyaartoyda Arsenal ee Martin Odegaard iyo Kai Havertz ayaa iyaguna dhamaystiraya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*