Ciyaartoy Aan La Garanayn Oo Guul Gaadhsiiyey Barcelona Xilli AC Milan Oo Kasoo Dhacday Sallaanka Serie A


Kooxda kubadda cagta ayaa guul cajiib ah ka gaadhay Athletic Bilbao kulan ay ciyaartooyo la’aani haysay oo uu tababare Xavi Hernandez u mahad-celiyey ciyaartoy aan la garanayn oo ay caawa ugu horreysay kooxda koowaad oo uu u safto, laakiin noqday geesiga guusha ee dhaliyey goolka madiga ah ee sababay inay ka takhalusaan Bilbao.

Barcelona oo ay ka dhaawacnaayeen dersin ciyaartooyo ah ayaa waxa ay garoonkeeda ku qaabbishay Bilbao, waxaana dhamaadka ciyaarta oo ay toban daqiiqadood ka hadhsan tahay ay xaqiijisteen guul kusoo dhoweysay kaalinta koowaad ee ay hayso Real Madrid oo ay hal dhibic oo kaliya usoo jirsadeen.

Marc Guiu oo ay da’diisu tahay 17 sannadood oo ay ahayd ciyaartiisii koowaad ee uu u safto kooxda koowaad oo beddel kusoo galay daqiiqaddii 79aad, ayaa 23 ilbidhiqsi oo kaliya markii uu ku jiray garoonka waxa uu dhaliyey goolka guusha siiyey Barcelona.

Kubbad uu khadka dhexe kasoo dhiibay Joao Felix ayaa waxa uu difaacyahannada u dhaafiyey Marc Guiu! oo ula tegay goolhayaha, isla markaana shabaqa ku hubsaday.

Barcelona oo u muuqanaysay in ay quus ka taagnayd guul ay ka keento ciyaartan oo si adag loogu xafiiltamay garoonka dhaxdiisa, ayaa si aad ah ugu dabbaal-degtay, iyadoo Joao Felix oo uu nasiibku diiday oo birta garaacay uu ugu dambayntii ku faraxsanaa in uu sameeyey caawinta goolka madiga ah ee kulanka.

Natiijada ciyaartan ayaa ka dhigan in Barcelona ay yeelatay 24 dhibcood oo ay hal dhibic kaliya ka dambayso Real Madrid iyo Girona oo hoggaanka wada-jir u haya, isla markaana Sabtidii barbarro la gashay Sevilla.

Sabtida ayaa waxa ballansan Barcelona iyo Real Madrid oo galabnimada ku kala calaf-qaadi doona is-araggooda koowaad ee El Clasico ee xilli-ciyaareedkan, waxaanay Barcelona la wareegi doontaa hoggaanka haddii ay guuleysato, sidoo kalena laga qabto Girona.

Dhinaca kale, Juventus ayaa guul 1-0 ka gaadhay toban ciyaartoy oo AC Milan ah oo ay ka hor joogsatay in ay hoggaanka horyaalka Serie A kala wareegto Inter Milan oo si ku-meelgaadh ah usii qabatay Sabtidii.

Milan oo dhamaadka qaybta hore uu casaan ka qaatay difaaca reer Germany ee Thiaw ayaa waxa goolka guusha siiyey Juventus u dhaliyey Locatelli, waxaanay natiijadani keentay in Inter ay hoggaanka ku hayso 22 dhibcood, halka Milan ay leedahay 21 dhibcood iyo Juventus oo saddexaad soo cidhiidhsatay oo 20 dhibcood yeelatay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*