TOP 10: Zidane, Klop, Mourinho Iyo Wenger Oo Hoggaaminaya Tobanka Tababare Ee La Buunbuuniyey


Tobanka tababare ee kubadda cagta ee sida weyn loo buunbuuniyey ayaa la shaaciyey, waxaana si lama filaan ah kaalinta koowaad ugu soo baxay macallinka reer Portugal ee Jose Mourinho oo soo layliyey naadiyo badan, isla markaana guulo badan kasoo hooyey kubadda cagta.

Mourinho oo ay saxaafadda Ingiriisku ugu yeedho ‘Special One’, ayaa waqtigan tababare u ah kooxda horyaalka Talyaaniga ee AS Roma, hase yeeshee waxa uu hore usoo layliyey Chelsea oo uu guulihii ugu badnaa ku hoggaamiyey, Real Madrid, Inter Milan oo uu u qaaday Champions League iyo Serie A, Manchester United oo uu Europa League u qaaday, Tottenham iyo kooxdii uu kusoo baxay ee FC Porto oo uu usoo qaaday Champions League iyo Europa League.

Pep Guardiola, Jurgen Klopp iyo Carlo Ancelotti ayaa muddooyinkii dambe la isku raacsanaa in ay yihiin tababareyaasha ugu wanaagsan kubadda cagta, halka Sir Alex Ferguson iyo Arsene Wenger ay iyaguna ahaayeen kuwa is-ceshada sannadihii 1990-meeyadii iyo 2000-nadii, ka hor intii aanay hawlgab ka noqonin shaqada tababarka.

Taageereyaasha kubadda cagta ayaa codbixin laga qaaday, waxa ay ku doorteen tababareyaasha la buunbuuniyey ee la gaadhsiiyey heer ka baxsan intii ay u qalmayeen, waxaana layaableh in kaalinta koowaad iyo labaad ay ku kala jiraan Jose Mourinho iyo Pep Guardiola, halka Wenger uu saddexaad fadhiyo.

Sidoo kale, Zinedine Zidane iyo Jurgen Klopp ayaa ku jira liiskan.

Waa kuwan tobanka tababare ee la buunbuuniyey

10. Claudio Ranieri

9. Rafa Benitez

8. Antonio Conte

7. Jurgen Klopp

6. Zinedine Zidane

5. Ronald Koeman

4. Mauricio Pochettino

3. Arsene Wenger

2. Pep Guardiola

1. Jose Mourinho

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*