Manchester United Oo Go’aan Lama Filaan Ah Ka Gaadhay Mustaqbalka Erik ten Hag


Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa heshiis cusub u bandhigtay tababaraheeda Erik ten Hag oo ay maamulku doonayaan in ay usii dheereeyaan waqtiga, inkasta oo uu jiro cadaadis badan oo saaran.

Ten Hag oo kooxdiisu ay si xun ku bilaabatay xilli-ciyaareedka, ayaa waxa uu ka caawiyey in ay yimaaddaan kaalinta saddexaad ee horyaalka Premier League iyo in ay ku guuleystaan Carabao Cup. Laakiin afar guul-darro oo siddeed ciyaarood oo dhamaan tartamada ah ayaa waxay ku abuuray xaalad ah in wax la iska weydiiyo mustaqbalkiisa.

Saxaafadda Ingiriiska ayaa ku warramaysa in Erik ten Hag iyo maamulka kooxdu ay is-arkeen oo loo bandhigay damaca ku jira ee ah in ay doonayaan in uu heshiis cusub saxeexo oo uu sii joogo.

Richard Arnold oo ah madaxa kooxda ayaa hagayada wada-hadalladan, sidoo kalena John Murtough ayaa ku garab siinaya, laakiin taageereyaasha kooxda ayay qaarkood rumaysan yihiin in arrintan meesha lagaga saarayo hadal-haynta ka taagan mustabalka macallinkan.

Arnold iyo Murtough oo hore ugu guuleystay in ay heshiis cusub ka saxeexaan Marcus Rashford, ayaa waxa kale oo ay ka shaqaynayaan in ay maare u helaan khilaafka u dhexeeya Ten Hag iyo Jadon Sancho oo laga saaray liiska kooxda, illaa haddana aan la ogeyn waqtiga uu kusoo laaban doono.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*