Miyuu Bukayo Saka Taam U Yahay Kulanka Chelsea vs Arsenal Ee Horyaalka Premier League Ee Sabtida?


Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa ku ducaysanaysa in uu taam u noqdo xiddiga reer England ee Bukayo Saka kulanka adag ee Sabtida ay martida ugu noqonayaan Chelsea oo ay ku booqan doonaan garoonka Stamford Bridge, halkaas oo ay Gunners ay ka doonayso in ay guuleysato si ay hoggaanka ugula sii negaato Tottenham oo ay isku dhibco yihiin.

Bukayo Saka ayaa ku dhaawacmay ciayartii Champions League ee Lens, waxaana laga saaray liiska xulka qaranka England ee kulamadii caalamiga ahaa kaddib markii ay dhakhaatiirtu isku raaceen in uu halis ku gelayo.

Hore waxa uu uga maqnaa ciyaartii Manchester City ay guusha taariikhiga ah ka gaadheen ee ay 1-0 kaga badiyeen toddobaad ka hor, iyadoo ay Gunners ugu dambaysay December 2015 in ay ka adkaato Manchester City, balse Mikel Arteta ayaa kala tashanaya dhakhaatiirta kooxdiisa haddii uu Saka ciyaarsiin karayo kulanka Chelsea.

Sida ay warbaahinta waddanka Ingiriisku ku warramayso, Bukayo Saka ayaa uu shaki weyn ku jiraa in uu taam u noqon karayo ciyaarta London Derby ee Stamford Bridge ay ku ballansan yihiin Arsenal iyo Chelsea.

Tababarka buuxa ee kooxdiisa ayaanu wali kusoo noqonin, waxaana uu samaynayaa soo-kabasho, waxaanay taasi shaki gelinaysaa in uu ciyaari karayo kulanka Sabtida ee Chelsea oo la sheegay in uu degdeg ku noqonayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*