Weeraryahanka reer Brazil ee Vitor Roque ayaa magacaabay saddexda ciyaartoy ee Barcelona ee uu sugi kari la’yahay inta ay ku midoobayaan Camp Nou ee ay iska garab ciyaarayaan, kuwaas la filayo in uu garoonka dhaxdiida ku dhax-mari doono xafiiltan adag maadaama ay boosaska wadaagaan.
Vitor Roque oo ay da’diisu tahay 18 jir, ayaa waxa ay Barcelona kasoo iibsatay Athletico Paranaense, hase yeeshee heshiiska ayaa dhigayay in bisha January ee foodda inagu soo haysa uu yimaaddo Spain oo uu kooxdiisa cusub la midoobo.
Xavi Hernandez ayaa dalbaday in lasoo dedejiyo in Vitor Roque uu yimaaddo kooxda, si ay ugu tartami karaan horyaalka LaLiga iyo Champions League, waxaana uu kasoo horjeedsaday qorshe ahaa in waqtiga uu Vitor Roque imanayo kooxda dib loogu riixo illaa bisha June.
Vitor Roque oo waraysi siiyey warbaahitna dalkiisa, ayaa la weydiiyey ciyaartoyda uu aadka u xiisaynayo inuu la kulmo marka uu tago kooxdiisa cusub ee Barcelona, waxaana uu ku jawaabay: “Lewandowski, Raphinha iyo hadda oo Lamine Yamal ah. Run ahaantii waxay ii noqon doontaa wax cajiib ah in aan ka garab ciyaaro dhamaantood.”
Mar la weydiiyey in uu la qabsan karayo qaab-ciyaareedka Barcelona, waxa uu ku jawaabay: “Waan hubaa in aan la qabsan doono, aad ayaanay u fududdahay. Waxa aan u shaqaynayaa si adag maalin walba si aan ugula qabsan karo sida ugu degdegga badan, uguna suurtogalsan. In aan ka garab ciyaaro xiddigaha ugu waanaagsan adduunyada, waxay ila tahay in ay ii fududayn doonaan in aan si fudud ula qabsado.”
Be the first to comment