TOP 10: Tobanka Ciyaartoy Ee Ugu Wanaagsan Ee Booska Ka Waayaya Xulka Qaranka England Ee Euro 2024


Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate, ayaa ka tegi doona toban ciyaartoy oo caan ah oo aanu ku darsan doonin liiska ciyaartoydiisa tartanka Euro 2024 oo xalay ay usoo baxeen markii ay 3-1 ku garaaceen Talyaaniga.

Xulka England oo sanadkii 2020 soo gaadhay finalka Euro 2024, ayaa waxay rumaysan yihiin in hadda ay koobka qaadi karayaan marka loo eego awooddooda, is-fahamka ciyaartoyda dhaxdeeda iyo xiddigaha waaweyn ee tayadoodu sarrayso ee ay haystaan.

Koobkii Adduunka 2020 ayay yimaaddeen afar-dhamaadka, kaddibna waxa ay horumar sameeeen Euro 2020 oo ay finalka soo gaadheen, waxayna hadda rajaynayaan in ay soo afjari doonaan abaarta koobab la’aanta ee haysatay tan iyo sannadkii 1966kii.

Harry Kane, Bukayo Saka iyo Jude Bellingham ayaa la filayaa in ay noqon doonaan hoggaamiyeyaasha xulka England ee Euro 2024, balse waxa tartankaas aan u raaci doonin toba ciyaartoy oo uu ugu horreeyo Smith Rowe oo Arsenal ah, isla markaana u dheelayay xulka da’yarta Koobkii Adduunka ee sannadkan ee ay ku guuleysteen.

Warbaahinta ciyaaraha ayaa soo xulay tobankan ciyaartoy oo ay ku sheegeen in ay nasiib-darro ku dhici doonto, waxaana ku jira difaaca Manchester United ee Harry Maguire oo si joogto ah ugu dheelayay xulka dalkiisa xataa isaga oo kursiga kaydka kaga jira Manchester United, sidoo kale Jordan Henderson ayaan lasoo qaadan doonin.

Waa kuwan tobanka ciyaartoy ee laga reebi doono xulka Ingiriiska

1. Emile Smith Rowe

2. Harry Maguire

3. Kalvin Phillips

4. James Ward-Prowse

5. Fikayo Tomori

6. Dean Henderson

7. Ivan Toney

8. Joe Gomez

9. Jadon Sancho

10. Eberechi Eze

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*