DEG-DEG: Xiddigihii Talyaaniga Oo Ganaax Waqti Dheer Ah Lagu Riday


Xidhiidhka kubadda cagta Talyaaniga ayaa ganaax ku riday xiddiga Juventus ee Nicolo Fagioli oo lagu helay in uu khamaar sameeyey, sidoo kalena waxa la sugayaa in la ganaaxo laacibka Newcastle ee Sandro Tonali oo isagana la sugayo in lagu rido ganaax waqti dheer ah.

Falkan oo kael waxa ku eedaysay Nicolo Zaniolo oo u ciyaara Aston Villa oo la sheegay in uu mudan doono ciqaab adag, sida ku dhacay Nicolo Fagioli oo goordhoweyd ay warbaahinta waddanku sheegtay in ciyaaraha laga mamnuucay muddo toddoba bilood ah.

Fagioli oo ay da’diisu tahay 22 jir ayaa lagu helay in uu sameeyey khamaarka oo mamnuuc ka ah ciyaartoyda, waxaana lagu ogaaday baadhitaanno ay sameeyeen booliska Talyaaniga, hase yeeshee aabbaha dhalay laacibkan ayaa arrintan ku eedeeyey wakiilka Nicolo Fagioli oo uu sheegay in uu sabab u ahaa oo uu la tashaday ka hor intii aanu ku biirin goobo khamaar oo uu qayb ka noqday.

War-saxaafadeed ay soo saareen xeer ilaalinta waddanka Talyaaniga ayaa lagu sheegay in toddoba  bilood laga ganaaxay ciyaaraha Nicolo Fagioli, sidoo kalena lagu xukumay lacag dhan £11,000 Gini.

Tonali ayaa la rumaysan yahay in ciqaabtiisu ay ka darnaan doonto midd Fagioli, sababtoo ah wakiilkiisa ayaa saxaafadda u sheegay in laacibkan uu la qabsaday khamaarka oo ay ku adkaatay sidii uu iskaga deyn lahaa, balse muddooyinkii dambe uu kasii dheeraanayay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*