Garoonka ayaa isku beddelay goob murugo, waxaana uu garsooruhu ku qasbanaaday in uu joojiyo ciyaartii Belgium iyo Sweden ee isreeb-reebka Euro 2024, kaddib markii ay taageereyaashu bilaabeen baroor-diiq.
Waxyar ka hor intii aanay ciyaartu bilaabmin, ayaa waxa la xaqiijiyey dhimashada laba nin oo ku labbisnaa garanka xulka Sweden in lagu dilay mid ka mid ah waddooyinka magaalada Brussels ee waddanka Belgium ee ay ciyaartu ka dhacday.
Markii loo baxay waqtiga nasashada ayay ciyaartoyda Sweden go’aansadeen in aanay dib ugu soo laabanin garoonka oo aanay ciyaarin, sababtoo ah waxa ay murugada la qaybsanayeen kumannaanka garoonka fadhiyey ee ilmada shalaqsanayay ee u barooranayay labada nin ee taageereyaashooda ah ee la dilay.
War-saxaafadeed kasoo baxay Belgium ayaa lagu sheegay in shilkii caawa ka dhacay magaalada Brussels darteed loo joojiyey ciyaartii u dhaxaysay dalkooda Belgium iyo Sweden, waxaanay tacsi u direen qoysaska reer Sweden ee ay geeridu ku timid iyo kuwii ay saamaysay intaba, halka xidhiidhka kubadda cagta Sweden uu isaguna tacsi diray.
Wariye Samindra Kunti oo ku sugnaa garoonka King Baudouin Stadium, ayaa sheegay in taageereyaasha laga codsaday in ay kuraasta garoonka fadhiyaan oo aanay dibedda u bixin, illaa waqti dambena ay sii fadhiyeen itnii laga xaqiijinayay in ammaan ay tahay in ay dibedda u baxaan.
UEFA ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay waxay ku sheegtay, in falkaasi ahaa mid argagixiso, balse ma aanay sheegin cidda ay tuhunsan yihiin in ay ka dambaysay.
Be the first to comment