Sandro Tonali Iyo Laba Ciyaartoy Oo Kale Oo Laga Mamnuucayo Kubadda Cagta


Xiddiga reer Talyaani ee Sandro Tonali ayaa ciyaaraha laga mamnuuci doonaa muddo saddex sannadood ah, kaddib markii lagu helay in uu jabiyey sharciga ciyaaraha oo uu sameeyey khamaar la xidhiidha natiijooyinka kooxdiisu ka keenayso garoomada.

Sandro Tonali iyo laacibka ay Aston Villa amaahda kusoo qaadatay ee Nicolo Zaniola ayaa Khamiistii lagu qasbay in ay ka baxaan garoonka tababarka xulka dalkooda Talyaaniga, waxaana ku socda baadhitaanno la sheegay in ay sababi karaan in muddo saddex sannadood ah ay ciyaaraha ka maqnaadaan.

Booliska waddanka Talyaaniga ayaa u yeedhay labadan ciyaartoy iyo sidoo kale khadka dhexe ee Juventus ee Nicolo Fagioli oo isagu aan qayb ka ahayn xulka qaranka Talyaaniga, waxaana saddexdoodaba la weydiiyey su’aalo.

Xeer ilaaliyeyaasha waddanka Talyaaniga oo kiiska gacanta ku haya, ayaa laga soo xigtay in ciyaaryahannadan ay suurtogal tahay in ay la kulmaan ciqaab adag, isla markaana mustaqbalkooda ciyaareed uu halis geli karayo.

Sharciga waddanka Talyaaniga ayaa dhigaya, in qofka sameeya khamaar aanu liisan ama ogolaansho u haysanin in uu waajihi doono ganaax lacageed oo u dhexeeya €51,000 illaa €516,000′, taas oo uu wehelinayo saddex bilood oo xadhig ah.

Laakiin ciyaartoyda ayaa gebi ahaanba uu mamnuuc ka yahay khamaarku, waxaana qofka lagu helao muddo laga ganaaxi doonaa ciyaaraha, sida ku dhacday weeraryahanka reer England ee Ivan Toney oo muddo siddeed bilood ah laga mamnuucay ciyaaraha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*