Waa Kuma Xiddiga Chelsea Ee Waqtigiisa Ku Bixiya Sidii Uu U Daraasayn Lahaa Mohamed Salah?


Xiddiga ka tirsan kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa shaaciyey, in uu daraaseeyo laba ciyaartoy oo uu doonayo inuu raadkooda qaado, si uu horumar uga gaadho kubadda cagta oo uu ka leeyahay riyooyin waaweyn.

Garabka weerarka Chelsea ee Noni Madueke oo bishii January ee sannadkii hore ay kaga soo iibsadeen PSV Eindhoven lacag dhan £35 milyan oo Gini, ayaa waxa 16 ciyaarood oo uu u saftay Blues uu u dhaliyey laba gool, waxaana uu doonayaa inuu sare u qaado tayadiisa iyo heerkiisa ciyaareed.

Laacibkan oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay, in uu si joogto ah u daawado muuqaallada labada ciyaartoy ee Mohamed Salah oo Liverpool ah iyo Kylian Mbappe oo PSG ah oo uu doonayo inuu sidooda oo kale u ciyaaro.

“Waxa aan daawadaa waxyaabaha ay ku wanaagsan yihiin. Waxa aan haystaa muuqaallo Mbappe iyo Salah ah, markaa in badan ayaan daawadaa.” AYuu yidhi Madueke.

Waxa uu intaa ku daray: “James Ryder ayaa ah falanqeeyahayaga, waxa uu noo keenaa muuqaallada Mbappe iyo Salah, gaar ahaan sida ay baaska ugu dhiibaan xerada ganaaxa amaba marka uu xerada ganaaxa koox kale uu ku jiro ciyaartoy saaxiibkood ah, mar walba way la socdaan.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*