Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa maanta waxa ay soo dhoweyn doontaa tababaraheeda cusub ee Hansi Flick oo heshiis laba sannadood ah u saxeexi doona, isaga oo dhaxli doona Xavi Hernandez oo si aan fiicnayn ay shaqada uga caydhisay kooxdaasi.
Hansi Flick oo lix koob u qaaday Bayern Munich sannadkii 2020 oo ay ku jiraan Champions League iyo Bundesliga ayaa waxa uu heshiis la gaadhay Barcelona oo uu dhaxli doono iyadoo uu u dhamaaday xilli-ciyaareed ay abaar koobab la’aan ah hayso.
Sida uu qoray wargeyska AS ee kasoo baxa waddanka Spain, Hansi Flick ayaa waxa uu sannadkii mushahar u qaadan doonaa 3 milyan oo Euro oo naqad ah iyo lacago kale oo ku xidhnaan doona guulaha uu gaadhsiiyo kooxda muddada uu joogo.
Tusaale ahaan, haddii ay kooxdu ku guuleysato Champions League, waxa mushaharkiisa ku kordhi doona hal milyan oo Euro oo kale, taas oo ka dhignaanaysa in uu qaadan doono 4 milyan oo Euro. Haddiise ay Barcelona ku guuleysato horyaalka LaLiga, waxa uu heli doonaa 750,000 Euro oo dheeraad ah oo mushaharkiisa ugu darsami doonta.
Be the first to comment