Sagaal Ciyaartoy Oo U Dagaallamaya Afar Boos Iyo Madax-xanuunka Haysta Tababaraha Xulka Spain


Madax-xanuun ayaa haysta tababaraha xulka qaranka Spain ee Luis de la Fuente ka hor ciyaarta caawa ay martida u yihiin Norway ee sida weyn loo sugayo, waxaana laga doonayaa in uu sameeyo xulasho fiican oo keeni karta in ay guul keenaan.

Spain ayaa isreeb-reebka Euro 2024 waxay la ciyaaraysaa Norway iyaga oo waliba kaalinta labaad kaga jiro group-kooda, waxaanay u baahan yihiin inay guul kusoo gaadhaan Oslo, si ay usii wataan guushii ay usbuucii hore ka gaadheen Scotland.

Tababare Luis de la Fuente ayaa waxa uu ciyaartoyda kooxdiisa kasoo buuxiyey xiddigo isku boos ah oo ay ku adkaatay sidii uu u kala dooran lahaa, gaar ahaan afka hore ee weerarka iyo garabaha.

Sagaal ciyaartoy oo boosaskaas ah ayaa Luis de la Fuente haystaa, ikasta oo uu dib iskaga diray Lamine Yamal oo dhaawac ah oo booskiisa uu kusoo beddelay Ansu Fati oo uu uga yeedhay Brighton oo uu bandhig fiican ka samaynayo.

Siddex goolhaye, siddeed difaac, laba kubbad-burburiye, afar kubbad-sameeye, laa weerar dhexe ah iyo afar garbahaa ah ayaa uu soo xushay, waxaase ay caqabad ka taagan tahay sida uu u kala dooranayo Dani Olmo, Asensio, Oyarzabal, Nico Williams, Lamine Yamal, Ferran, Yeremy Pino, Ansu Fati iyo Bryan Zaragoza.

Luis de la Fuente madax-xanuunkiisu kuma koobna isreeb-reebka Euro 2024 oo kaliya, hase yeeshee waxa uu soconayaa illaa waqtiga uu tartanku qabsoomayo sannadka dambe, ciyaaraha isreeb-reebka Koobka Adduunka iyo sidoo kale koobka adduunka ee saddex sannadood kaddib la qaban doono.

Waqtigan Dani Olmo iyo Marco Asensio ayaa u fududeeyey xulashada oo ka dhaawacmay, balse marka ay taam noqdaan ayay ka doonayaan in uu u diyaariyo boosaskooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*