Maxaad Ka Doontay Sucuudiga? Wixii Xalay Ku Dhacay Jordan Henderson Oo Kabtan Looga Dhigay Xulka England


Xiddiga reer England ee Jordan Henderson ayaa garoonka ka baxay xalay isagoo ay ku oorinayaan oo ay ku qaylinayaan taageereyaasha xulka qaranka England oo ka cadhaysnaa in laacibkan uu tegay horyaalka waddanka Sucuudiga oo uu lacago malaayiin ah ka qaadanayo.

Gareth Southgate ayaa kusoo bilaabay Jordan Henderson oo uu waliba kabtan ka dhigay ciyaartii saaxiibtinimo ee ay 1-0 kaga badiyeen Australia, waxaana mar kaliya is-qabatay qayladada taageereyaasha oo dhinac walba oo garoonka Wembley ah ka imanaysay.

Laacibkan oo toddobaadkii mushahar uga qaata kooxdiisa Al-Ettifaq lacag dhan £700,000 Gini toddobaadkii, ayaa la saaray daqiiqaddii 62aad, waana waqtiga ay jamaahiirta kooxdu qaylada bilaabeen.

Bishii hore, Jorden Henderson ayaa sidan oo kale loogu qayliyey ciyaartii Ukraine oo uu beddel kusoo galay, waxaana sababta loo nisbaynayaa in ay tahay in laacibkan uu joojiyey taageeradii uu siin jiray QOWMU-LUUDKA oo uu tegay dal Islaam ah oo ay mamnuuc ka yihiin ficillada noocaas ah.

Tababare Gareth Southgate oo ka hadlay qaylada taageereyaasha ee Jordan Henderson, ayaa yidhi: “Anigu run ahaantii ma fahmayo sababta, sababtoo ah waa ciyaartoy xulka England u saftay 79 kulan.

“Sida ay uga go’an tahay in uu ugu shaqeeyo iyo waxa uu usoo qabtay England waa wax cajiib ah, kaalintiisa gudaha iyo bannaanka garoonkuna waa muhiim.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*