David Moyes Oo Aflagaado Ku Macsalaameeyay Jurgen Klopp & Hadaladii Uu Yiri Oo Jamaahiirta Ka Yaabiyay


David Moyes ayaa ka yaabiyay taageerayaasha ka dib markii uu ereyo aflagaado ah ku macsalaameeyay tababaraha Liverpool Jurgen Klopp isagoo yiri: “Ilkihiisa f**king-ka ah ee cadaanka badan waan ku faraxsanahay inuu tago.”

Ka dib barbarihii 2-2 ee ay kooxdiisa West Ham ku qabatay Liverpool Moyes ayaa jawaab kaftan ah ka bixiyay bixitaanka Jurgen Klopp ee xagaagan.

Iyadoo Arne Slot uu bedelayo Klopp xilli ciyaareedka soo socota, David Moyes ayaa si qariib ah u maamuusay tababaraha Jarmalka ah.

“Waan ku faraxsanahay inuu baxayo.” ayuu yiri Moyes ka hor inta uusan afalagaadeynin ilkihiisa.

Tababarihii hore ee Manchester United ayaa hadalkiisa raaciyay: “Waan dhibsanayaa inaan dhaho sababtoo ah waxaan ka horimid anigoo la jooga kooxo kale oo ay si weyn u xafiiltamaan, laakiin waxa uu tababare weyn u ahaa Liverpool.

“Waa aabahood, waxa uu awood u lahaa inuu maamulo koox weyn. Waxaan leeyahay dhaqso oo naga tag Jurgen!

“Waxaan ku faraxsanahay inaan arko dhabarkiisa, waa inaan taas sheego.”

Moyes ayaa sheegay inuu jecleystay in Klopp uu muddo sagaal sannadood ah la joogay mid ka mid ah kooxaha ugu waa weyn Premier League.

Marka uu xagaagan baxo, waxaa tababaraha Jarmalka lagu xusuusan doonaa koobkii Champions League ee 2019kii iyo sidoo kale koobkii Premier League ee 2020kii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*