Antonio Conte Oo Dib Ugu Soo Noqonaya Shaqada Tababarenimada Iyo Kooxda Weyn Ee Loo Magacaabayo


Antonio Conte ayaa diyaar u ah in uu noqdo tababaraha cusub ee kooxda horyaalka waddanka Talyaaniga ee Napoli oo la sheegay in ay diyaarinayso warqadda shaqo ka caydhinta tababare Rudi Garcia.

Kooxda horyaalka Serie A-da ayaa si liidata ku bilaabatay xilli-ciyaareedkan oo tobankii kulan ee ugu horreeyey ay shan jeer guuleysteen, saddex laga badiyey, labana barbarro galeen.

Antonio Conte oo shaqo la’aan ahaa tan iyo bishii March oo ahayd xilligii ay Tottenham eriday, ayaa la sheegay in ay kulmeen madaxweynaha Napoli ee Aurelio De Laurentiis oo ay isla soo qaadeen in uu noqdo macallinka cusub ee beddelaya Garcia oo ku fashilmay kooxdaas kaddib markii uu xagaagii ka tegay Luciano Spalletti oo u qaaday horyaalka Serie A, kaddibna loo magacaabay tababaraha xulka Talyaaniga.

Sida ay sheegeen warbaahinta waddanka Talyaaniga, Antonio Rudiger ayaa ku xidhay hal shuruud oo kaliya oo ah in loo ogolaado in uu isagu maamulo ciyaartoyda kooxda la keenayo, sidoo kalena ciyaartoyda uu dalbado loo keeno.

Antonio Conte ayaa waxa uu Salaasadii sheegay in uu wali qoyskiisa waqti la qaadanayo, markii uu ka tegay England-na uu go’aansaday in aanu si degdeg ah usoo laaban ee uu waqti siiyo qoyskiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*