Taageerayaasha Liverpool Oo Magacaabay Xiddiga Ay Tahay In Lagu Bedelo Darwin Nunez


Taageerayaasha Liverpool ayaa dalbaday in Jurgen Klopp uu ku soo bilaabo 18 jirka tayada leh Jayden Danns bedelkii uu ciyaarsiin lahaa Darwin Nunez.

Nunez oo 24 sanno jir ah ayaa wajahay mid ka mid ah qaab ciyaareedyadiisii ugu xumaa waqtigiisii Anfield markii Reds ay guuldarro 3-0 ka soo gaartay Atalanta.

Xiddiga reer Uruguay ayaa qasaariyay fursado badan kulankii lugta hore ee wareega sideed dhamaadka Europa League.

Weeraryahanka ayaa dhib weyn ku qaba dhameystirka fursadaha waa weyn uu helo tan iyo markii uu 85 milyan ginni uga soo wareegay Benfica xagaagii 2022kii.

Ka dib gool qurux badan oo uu Jayden Danns ka dhaliyay akadeemiga kulankii ay ka badiyeen Man United, taageerayaasha Liverpool ayaa dalbaday in 18 jirkaan loo soo dalacsiiyo kooxda koowaad kulanka Premier League ee ay Axada la dheelanayaan Crystal Palace.

Danns ayaa koontaroolay kubad karoos ah oo loo soo dhigay, waxa uu dhinac dhigay labo daafac oo Man United ah ka hor inta uusan kubada cirib ku dhalinin. Midkoodna daafacyada ama goolhayaha uma soo dhawaanin inay celiyaan goolka Danns.

Ka dib markii ay daawadeen goolka cajiib ah ee 18 jirkaan, taageerayaasha Liverpool ayaa ku baaqay in xiddigaan la soo safo kulanka Axada oo uusan ku habooneyn inuu u dheelo U21.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*