Mikel Arteta Oo Lagu Eedeeyay Inuu Bahdilayo Aaron Ramsdale


Halyeeyga Manchester United Andy Cole ayaa ugu baaqay goolhaye Aaron Ramsdale inuu isaga tago Arsenal.

Inkastoo goolhayaha Ingariiska uu bilada Premier League ku guuleysan karo xilli ciyaareedkan, hadana waxay Ramsdale u ah xilli ciyaareed xanuun badan.

25 jirkaan ayaa kaliya ciyaaray lix kulan oo Premier League ah, isagoo keyd u galay goolhaye David Raya oo kooxda yimid xagaagii.

Aaron Ramsdale ayaa kaliya ku soo bilowday labo kulan oo horyaalka ah tan iyo markii goolhayaha reer Spain uu amaah ku yimid kooxda, waxayna ahaayeen labadii kulan ee ay la ciyaareen Brentford oo ah kooxda iska leh David Raya.

Madaama uu Arteta ka warwareegay inuu si toos ah u amaano qaab ciyaareedka Ramsdale, Andy Cole ayaa aaminsan in tababaraha Arsenal uusan si cadaalad ah u la dhaqmin goolhayaha.

Cole ayaa yiri: Boqolkiiba 90 marka ciyaaryahan uu u wareego koox cusub, waxay la micno tahay inuu noqonayo weeraryahanka koowaad, daafaca dhexe ee koowaad, goolhayaha koowaad iyo wixii la mid ah.

“Haddii Aaron Ramsdale uu ka tago Arsenal, waxa uu noqon doonaa goolhayaha koowaad ee Newcastle. Waxaan aaminsanahay in si qaldan loola dhaqmay, xaqiiqdii sidaas ayaan aaminsanahay. Wacdarro ayuu u dhigay Arsenal xilli ciyaareedkii hore, dabadeedna Mikel Arteta waxa uu amaah ku keensaday goolhayaha cusub isagoo sheegay inuu heysto labo goolhaye koowaad taasoo been aheyd.

“Sida uu u xaqiray Ramsdale xaqiiqdii waxay aheyd sharaf dhac.Caadiyan wuu bahdilay.

“Waxa uu u qalmaa in si xushmad leh loola dhaqmo, sidaasi darteed haddii uu ka tago Arsenal, waxaan aaminsanahay inuu shaqo fiican ka qaban doono Newcastle.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*