Erik ten Hag Oo Ka Hadlay Qoomamadiisa Xiddig Man United Oo Uu Ku Tashanayay Xilli Ciyaareedkan


Erik ten Hag ayaa sheegay inuu doonayo inuu soo iibsado weeraryahan kale iyadoo Manchester United ay isku diyaarineyso inay soo gabagabeyso sagaal sannadood uu Old Trafford joogay Anthony Martial.

Tababaraha reer Holland oo difaacayay sababta ay kooxdiisa u heysato rikoodh xun oo gooldhalin ah ayaa farta ku fiiqay Anthony Martial oo uu sheegay inuu ku tashanayay xilli ciyaareedkan balse fashil noqday.

Iyadoo todoba kulan ay ka harsan tahay xilli ciyaareedka, farqiga goolasha ee Man United waa -1, kaliya lix kooxood ayaa ka liita Man United.

Wadar ahaan Man United waxay dhalisay kaliya 48 gool xilli ciyaareedkan Premier League, waana goolasha ugu yar ee ay dhaliyeen 10ka kooxood ee ugu sareeya horyaalka.

Ten Hag ayaa aaminsan in rikoodhka gooldhalinta Man United uu ka fiicnaan lahaa sidaan haddii Martial uu taam noqon lahaa isagoo sheegay inuu ku tashanayay bilowgii xilli ciyaareedka.

“Waxaan aaminsanahay inay ina caawineyso inay soo iibsano weeraryahan kale. Shaki kuma jiro inaan ku xisaabtameynay Martial. Waxaad u baahan tahay labo weeraryahan marka aad ka ciyaareyso horyaalka iyo tartamada kale ee aan ku jirnay. Waxaad u baahan tahay doorasho kala duwan” ayuu yiri Ten Hag.

“Boos walba waxaad u dooneysaa labo ciyaaryahan. Boosaska qaarkood doorashadaas uma heysanin. Weeraryahanka iyo daafaca bidix, waana halka ay natiijooyinka xun naga soo gaareen.”

United ayaa filaneysa in Martial uu baxo marka qandaraaskiisa uu dhaco bisha July. Tom Heaton, Raphael Varane iyo Jonny Evans ayaa iyagana qandaraaskooda uu dhacay xagaagan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*