Gary Lineker Oo Ugu Baaqay UEFA La Baabi’iyo Sharci Cadaalad Darro Ah Oo Ka Jira Champions League


Gary Lineker ayaa doonaya in sharci cadaalad darro ah laga baab’iyo taasoo qeyb ka noqoneysa isbedelada waa weyn ee lagu sameynayo Champions League xilli ciyaareedka danbe.

Tartanka ugu weyn kooxaha Yurub ayaa isbedel weyn lagu sameyn doonaa xilli ciyaareedka soo socda, iyadoo wareegii group-yada lagu bedeli doono hal group oo ka kooban 36 kooxood.

Koox walba waxay la ciyaari doontaa sideed kooxood iyadoo isku aadka uu sameyn doono computer.

Sideeda kooxood ee ugu sareeya group-ka ayaa si toos ah ugu soo bixi doona wareega 16ka, halka kooxaha ku dhameysta kaalimaha u dhaxeeya sagaal ilaa iyo 24 ay dheeli doonaan kulamo kala bax ah iyadoo sideed kooxood kale ay ka soo bixi doonaan.

Waa isbedelkii ugu weynaa ee lagu sameeyo tartanka tan iyo markii magaca laga bedelay 1992kii, iyadoo UEFA ay sameysay isbedelo yaryar sannadihii la soo dhaafay.

Isbedelkii ugu danbeeyay waxa uu ahaa in la baabi’iyay sharcigii goolasha martida ah, taasoo la micno ah haddii labada lug ay kooxaha barbaro noqdaan in la isla aadayo waqtiga dheeriga ah.

Laakiin Lineker ayaa aaminsan in madaama hal koox ay faa’ido gurigeeda ah heysato marka 30ka daqiiqo ee dheeriga ah la ciyaarayo inay tahay in gabi ahaanba la baabi’iyo waqtiga dheeriga ah laga bilaabo wareega sideed dhamaadka.

Isagoo u hadlayay barnaamijkiisa The Rest is Football, halyeeyga Ingariiska ayaa yiri: “Waxaan aaminsanahay in la baabi’iyo waqtiga dheeriga ah haddii natiijada ay isku mid tahay labada lug. Waxaan qabaa in rigoore toos loo aado.

“Waqti xaadirkaan kooxda gurigeeda la joogo lugta labaad ayaa 30 daqiiqo oo dheeri ah ku ciyaari doonta garoonkeeda taasoo faa’ido u ah, mana ahan inay faa’idadaas helaan gaar ahaan wareega sideed dhamaadka Champions League.

“Wareega 16ka waa Okay, sababtoo ah sababtoo ah inaad gurigaaga ku ciyaarto lugta labaad waxay ku xiran tahay halka aad ku dhameysatay group-kaaga. Laakiin wareega sideeda sidaasi ma ahan.

“Tusaale ahaan, haddii Arsenal ay aado Allianz Arena isbuuca danbe islamarkaan aay barbaro galaan, ka dib waxaa la isla aadayaa 30 daqiiqo oo dheeri ah, Bayern Munich ayaa gurigeeda ku ciyaareysa 30 daqiiqo oo dheeri ah. Cadaalad ila ma ahan.

“Waxaan qabaa in la joogo waqtigii la baabi’in lahaa 30ka daqiiqo ee dheeriga ah marka laga reebo finalka.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*