Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee Premier League ayaa daabacay warbixinta lacagaha ay kooxaha horyaalka Ingiriiska ee Premier League xilli-ciyaareedkan socda, waxaana lama filaan noqotay sida ay u kordheen lacagahan.
Lacagaha ay kooxaha Ingiriisku siiyaan wakiillada ciyaartoydooda ayaa kordhay 42.5 boqolkiiba sannadkii u dambeeyey, sida ay hore u shaacisay warbixin ay soo saartay FIFA, taas oo ka dhigan in sannadkii 2023 ay kooxaha Ingiriisku wakiillada ciyaartoydooda siiyeen lacag ka badan £702.5 milyan oo Gini.
Waxa ay lacagtani la kordhaysay qiimaha ciyaartoyda ay kooxuhu iibsanayeen, sida lagu sheegay warbixinta waxaana safka hore ku jirta Chelsea oo noqotay kooxda ugu sarraysa.
Premier League ayaa ka walaacsan xaddiga lacagta ee xilli-ciyaareedkan hadda socda ay kooxuhu bixiyeen, iyadoo warbixin uu soo saaray xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA lagu sheegay in Chelsea ay wakiillada ciyaartoydeeda siisay lacag dhan £75,140,524 Gini intii u dhaxaysay February 1, 2023 illaa February 1, 2024 oo ah sannad gudihii.
Manchester City ayaa ku jirta kaalinta labaad oo bixisay lacag dhan £60,626,025 Gini, waa lacag ku dhow afar meeloodow hal meel mushaharka ciyaartoydeeda.
Manchester United ayaa saddexaad ku jirta, isla markaana farqi aad u badan ka hoosaysa kooxda ay isku magaalada yihiin ee City, waxaana muddada sannadka ahayd ee February 1, 2023 illaa February 1, 2024 ay wakiillada ciyaartoydeeda siisay £34,054,001 Gini, halka Liverpool oo afraad ah ay bixisay £31,500,211 Gini.
Halkan kaga bogo lacagta ay koox walba oo Premier League ah siisay wakiillada ciyaartoydeeda intii u dhaxaysay February 1, 2023 illaa February 1, 2024:
Be the first to comment