Mikel Arteta Oo Magacaabay Xiddiga Arsenal Ka Caawinaya Halganka Ay Ugu Jiraan Premier League Iyo Champions League


Tababaraha kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa ka hadlay xogta dhaawaca xiddig muddo dheer la sugayey oo iyadii xilli-ciyaareedku uu  bilow yahay ay ku habsatay musiibo dhaawac oo sababtay in xilli-ciyaareedkiisu uu noqdo mid ku dhamaada qaab niyad-jab ah.

Mikel Arteta oo saxaafadda la hadlay maanta ayaa sheegay, in ay kooxdiisu dib u helayso difaaca reer Netherlands ee Jurrien Timber oo kasoo kabanaya dhaawac soo gaadhay bilowgii xilli-ciyaareedka.

Difaacan boosaska badan ka ciyaara oo ay Arsenal £40 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Ajax, ayaa jilibka uu dhaawac ka gaadhay kulan ay la ciyaarayeen Nottingham Forest bishii Ausut, waxaana lagu sameeyey qalliin uu u jiifayey muddo siddeed bilood ah.

Tababare Mikel Arteta oo saxaafadda la hadlayay ka hor ciyaarta Aston Villa, ayaa yidhi: “Timber wali waa in uu qaado tallaabooyin si uu kulamada hadhsan u ciyaaro, waxa uu u baahan yahay ugu yaraan in uu kooxda da’yarta ah u ciyaaro si uu taam ahaanshihiisa u xaqiijiyo.

“Si degdeg ah ayuu uga mid noqonayaa kooxda, tababarkana hadda waa uu la sameeyaa ciyaartoyda intooda kale, waxaana jira dad ku xeeran balse marka la ciyaarayo way ka duwan tahay tababarka waana la tartamayaa.”

Mar la weydiiyey in Timber uu Arsenal usoo laabanayo ka hor dhamaadka xilli-ciyaareedka, waxa uu ku jawaabay: “In badan ayuu naga caawind oonaa dagaalka aanu ugu jirno Champions League iyo Premier League. Marka aynu eegno waqtiga uu tababarka samaynayey, saamayn wen ayuu ku yeelan doonaa kooxda, fursadna uu u haystaa inuu soo laabto ka hor dhamaadka xilli-ciyaareedka.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*