Real Madrid Oo Codsi Gaar Ah U Gudbisay UEFA Ka Hor Kulanka Caawa Ee Man City


Real Madrid ayaa codsi gaar ah u gudbisay UEFA ka hor kulankooda caawa ee lugta hore ee wareega 8da Champions League.

Kooxda Carlo Ancelotti ayaa doonaya inay fariin culus diraan caawa marka ay ka horimaanayaan kooxda heysata koobka Champions League oo lagu soo dhaweynayo garoonka muuqaalka cusub ee Bernabeu.

Xaqiiqdiina Los Blancos ayaa sameyneysa wax walba oo ay ku argagax gelin karto City ka hor kulanka lugta hore.

Sida ay sheegtay The Athletic, Madrid ayaa codsi u gudbisay UEFA iyagoo doonaya inay xiraan saqafka kore ee garoonkooda la dayactiray si sawaxanka iyo xamaasada taageerayaasha Madrid ay u argagixiyaan ciyaartoyda Man City.

UEFA ayaa u baahan inay ansixiso in kooxaha ay isticmaali karaan in saqafka kore ee garoonka la daboolo.

Marka laga soo tago inay doonayaan inay xiraan saqafka kore ee garoonkooda casriga ah, taageerayaasha ayaa sidoo kale loo diyaariyay inay soo dhaweyn fiican u sameeyaan ciyaartoydooda.

Halkaas kuma eka. Kooxda ayaa sidoo kale qorsheysay inay garoonka ku soo bandhigto farshaxan ay taageerayaasha ka qeyb qaadanayaan, iyadoo garoonka gabigiisba uu noqon doono cadaan iyo casuus.

Warqado cadaan iyo casuus ah ayaa la dhigay kursi walba oo garoonka Bernabeu ah iyadoo taageerayaasha ay kor u qaadi doonaan ka hor bilowga ciyaarta.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*